Video:-Banaanbaxyo hareeyay guud ahaan Pakistan xarigii Imran kadib

Xarigga Talaadadii ee loo geystay laacibkii hore ee ciyaaraha cricket-ka, ahna siyaasiga ugu caansan Pakistan marka loo eego ra’yiga dadka Pakistan, ayaa kusoo beegmay waqti adag oo Pakistan ay wajahayso culeys dhaqaale.

Dowladda ayaa sheegtay in taageerayaasha xisbiga Khan ee Pakistan Tehreek-e-Insaf (PTI) ay weerar ku qaadeen dhismayaal muhiim ah oo dowladeed, ayna waxyeello gaarsiiyeen baabuurta gaarka loo leeyahay iyo kuwa dadweynaha.

Booliska ayaa sheegay in 945 ka mid ah taageerayaashiisa lagu xiray gobolka Punjab kadib markii 25 baabuur oo boolisku leeyihiin iyo in ka badan 14 dhismo dowladeed oo la gubay.

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka