Cumar Cabdirashiid oo taageeray Doorashada Golayaasha Deegaanka

Waa Siyaasi qaan-gaar ah Cumar Cabdirashiid.

Si cad,ayuu usheegay in ay khasab tahay qabsoomida Doorashada Golayaasha Deegaanka Puntland shido la’aan.

Waxuu kaloo sheegay tabasho walba oo jirta in lala aado Gudiga Doorashada.

Waxaa xaqiiqowday in Cumar uu ka carooday Warkii khaldanaa ee Shalay laga soo saaray kulankii uu qaybta ka ahaa,kaasoo la sheegay in aan sida loo qoray ama loo shaaciyay Warmurtiyeedka aan laysku ogayn oo qolo dhexe wax leexisay.

Cumar,isagoo ka daba tagaya Warkii Shalay iyo shaqaaqadii Xalay ee daba socotay,ayuu iska beri yeelay Labadaba in uu qayb ka ahaa.

Gantaal Siyaasadeed culus oo dhabarka ka jabiyay,ayuu ku dhuftay qorshihii Aaran,waxuuna muujiyay kaliya in hadafkiisu ahaa cadaadis ku socda 8-Janaayo iyo doorashada Madaxweynaha.

 

Jibril Qoobey.