Video:-M.Deni”Puntland ma quseeyaan waxa soo baxay,waxayna leedahay Dastuur ugaar ah”

Mowqif cad oo la fahmi karo ayay PL istaagtay.

“Puntland qayb kama ahayn, mana qusayso warkii soo baxay, kuwii hore waxa aan uga baaqsanay oo aan u saxiixi waynay waxaan arkaynay in meel qaldan loo wado dalka” ayuu yiri Siciid Deni.

Madaxweynaha Puntland,ayaa ku baaqay in haddii la doonayo in xal laga gaaro arrimaha masirigga ah ay tahay in Somaliland la soo fariisiyo miiska wadahadalka, wuxuuna yiri

“Haddii la rabo xasilooni la’aanta Soomaaliya in la xalliyo waa in Somaliland ay timaado miiska, oo xalka wadajir loo raadiyaa, haddii la kala maqanyahay weligeen wax mira dhal ah soo bixi-maayaan.”

“Puntland waxay leedahay dastuur gooni ah,isla markaana ay ku dhaqmayso inta la helayo Dowlad Somaliyed oo miyir qabta”Ayuu yiri Madaxweyne Deni .

 

Halkan ka daawo muuqaalka