Kulankii Garaadada iyo Beesha Caalamka?

Garaadadu waxay la kulmeen saakay Wakiilada BC Xalane.

Si dadnimo leh iyo dood macquul ah ayay la shir tageen.

Waxay cadeeyeen in aysan qayb ka ahayn wax la yiraahdo SL oo ay qayb ka yihiin DFS.

Waxay dul istaageen in aysan jirin wax la yiraahdo SL oo uu yahay magac laga guuray.

Waxay difaaceen hiilka Beelaha Harti uga yimid oo ay yihiin Dadkoodii oo ka dhiidhiyay xasuuqa Ciidamada Muuse Biixi.

BC waxay usheegeen xalku in uu yahay in Ciidanka Muuse oo u guura Oog.

Ugu danbayn waxay ka mahadceliyeen taageerada bini’aadantinimo ee BC,waxayna gudbiyeen in ay dhisayaan maamul rasmiya oo la yiraahdo S iyo S.

BC dhankeeda waa soo dhawaysay booqashadooda waxayna usheegtay Garaadada in xal Siyaasadeed loo baahan yahay oo xal Milleteri aan loo baahnayn.

 

Jibril Qoobey.