Faallo:-Dardargelinta Shaqada Dowladnimada oo Puntland baahi weyn loo qabo

Dardargelin fiican baa ka muuqata Dowlada PL oo Deni xantii ahayd in uu fasax galayo oo Imaaraadka aadayo markuu Golaha Wasiirada dhiso,waa soo yaraanaysaa.

Niyad jab ayay ahaan lahayd in MW nasasho u aado Dhul raaxo leh,iyadoo Bulshadu ubaahan tahay adeeg Dowladnimo oo isagu hormuud uyahay.

PL waa Deegaan Xasiloon,nidaam udhisan yahay oo Bulshadu tahay Dad Nabadeed oo fahansan Dowladnimada,waxayna ubaahan yihiin Madax si daacad ah oo Wadaniyad leh ugu adeegta.

Si gaar ah,waxaa laga rabaa Madaxweynaha in uu badalo dhaqamadiisii hore ee ay ka mid ahaayeen….

1.Albaabadiisa xiran.
2.Talada aan lala lahayn.
3.Dabacsanaan la’aanta.

Dowlada Puntland wax weyn ayay qaban kartaa haday si daacad ah u hawlgasho.

Shaqada Dowladnimada ayay muhiim utahay hab dhaqanka Madaxweynuhu muujiyay haatan,waana ku amaanan yahay.

JQ.