Maraykanka oo Israa’iil uga digay weerar ay ku qaado Rafax

Sarkaal sare oo ka tirsan maamulka Biden,ayaa ku booriyey Wasiirka Gaashaandhiga Israel Yoav Gallant in ay ka tanaasulaan qorshaha ay ku galayaan Rafax oo ku taalla koonfurta Qasa.

Rafax,ayaa waxaa ku nool in ka badan 1.4 Million oo ah Falastiiniyiin rayid ah oo gabaad ka raadsaday.

Warkan,ayaa soo baxay xili Maraykanka iyo Israa’iil ay ka dhaxeyso xiisad ka dhalatay hanaanka ay Israa’iil ay u wado dagaalka mudada Lixda Bilood socda ee ka dhanka ah Xamaas.