Maxay tahay sababta loogu yeeray Labada Aqal Ee Baarlamaanka Fadaraalka?

Iyadoo ay Puntland cadaysay in hadii Dastuurka KMG ah ee Fadaraalka waxkabadal lagu sameeyo aan laysla ogolayn uusan qusayn,ayay hadana DFS sii wadaa qorshaheedii badalida Dastuurka.

Maalinka Berri foog ah,ayaa loo yeeray Xildhibaanada iyo Seneterada Labada Aqal si loogu qaybiyo Nuqulkii ugu danbeeyay ee badalida Dastuurka.

Maalinka Sabtida ah,ayaa la filayaa in Cod loo qaado badalida Dastuurka sida wararku sheegayaan.

Waa qar iska xoornimo khatar ku ah Geedi socodka dhismaha Dowladnimo iyo soo kabashadii  Sanadihii udanbeeyay DFS.

 

Xildhibaanada Sharafta leh,

Barri oo Khamiis ah taariikhduna tahay 28.03.2024, waxaa jira kulan Labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Ajendaha:

Dib u eegista Dastuurka

Marxaladda 3aad

A) Qeybinta Nuqulka kama danbeysta ee Soo jeedimaha Wax-ka badalka dastuurka (Cutubka 1aad ilaa 4aad )

B) Warbixinta Guddiga dib u eegista iyo La socodka dastuurka

Goobta: Villa Hargeisa.
Wakhtiga – 9:00 subaxnimo.
Mahadsanidiin