Maxay kala yihiin Qodobada Xasan rabo in uu Dastuurka ka badalo?

Madaxweynaha wuxuu doonayaa in uu meelmariyo shan ajande oo labo ka mid ah uusan marna ka talaasuli doonin;

1- In Madaxweynaha qof iyo cod lagu soo doorto, waxaa halkaa ku duugan in uu xilka haynayo ilaa ay dalka doorasho qof iyo cod ah ka dhacayso. Hore uma dhicin taariikhda siyaasadeed ee Soomaaliya mar uusan Baarlamaanku dooranin Madaxweyne, 1960- 2022, marka laga reebo xukunkii Milateriga.

2- Guddi doorasho oo qabta labada heer doorasho ee Federaal iyo Dowlad Goboleed, taasoo ka dhigan go’aaminta cidda ka soo baxaysa doorashooyinka dawlad goboleedka.

3- In jagada Ra’iisul Wasaaraha meesha laga saaro oo Madaxweyne iyo ku xigeen la sameeyo, ama laga dhigo Ra’iisul Wasaare uu Madaxweynuhu eryi karo, Baarlamaanka la’aantiis. Markii ugu horraysay taariikhda Soomaaliya ayaa waxaa soo baxaya Baarlamaan magac u yaal ah oo aan madaxweyne dooranaynin, Ra’iisul Wasaarana xil ka qaadi karin.

4- Labo Xisbi oo mid hantida iyo awoodda dawlada lagu dhiso iyo mid malxiis u ah.

5- Hal degaan doorasho oo liis xiran ah, magacyada xildhibaannada iyo kuraastaba uu hoggaamiyaha xisbiga go’aaminayo.

Madaxweynuhu isagoo og in Somaliland ay maqantahay, Puntland boodday, in badan oo Koonfurta dalka ka mid ahna argagexiso haysato ayuu balanqaadayaa in 15 May 2026 ka hor la qabanayo doorashooyinka golayaasha deegaannada, golaha wakiillada, Madaxweynayaasha dawlad gobolleedyada, baarlamaanka federaalka ah iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda.

 

WQ.C.C.Warsame.