Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»337-qof oo ku geeriydooday Qaraxyada Alshabaab ee sanadkan ay ka fuliyeen Muqdisho
    Somalia

    337-qof oo ku geeriydooday Qaraxyada Alshabaab ee sanadkan ay ka fuliyeen Muqdisho

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyApril 12, 2017No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Qaramada Midoobey ayaa sheegtay in sanadkan ay kordheen weerarada u badan qaraxyada ay dagaalyahanada Al Shabaab ka fulinayaan magaalada Muqdisho, waxaana weeraradan dadka ugu badan ee lagu dilay lagu tilmaamay in ay shacab ahaayeen.

    War kasoo baxay Xafiiska Qaramada Midoobey ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in weerarada Kooxda Al Shabaab ka geesanayaan magaalada Muqdisho ay kordheen sanadkan 2017-da marka loo eego sanadihii hore.

    Qaramada Midobay ayaa si kulul u camnbaareysay weerarada Al Shabaab ka geesanayaan magaalada Muqdisho , waxa ayna sheegtay Qaramada Midoobay dadka ugu badan ee dhibka kasoo gaaro weeraradaasi ay yihiin shacabka .

    Wakiilka Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Michael Keating ayaa sheegay in weerarada sanadkan ka dhacay magaalada Muqdisho lagu dilay dad gaaraya 337 Qof oo u badnaa shacab halka tiro intaa ka badana ay ku dhaawacmeen.

    Michael Keating ayaa tilmaamay in Weerarrada Al-shabaab ka geestaan magaakada Muqdisho ay kor u kaceen 50%, waxa uuna intaa raaciyay tirada ugu badan dadka lagu dilay weeraradan in ay yihiin shacab aan wax dambi ah gelin.

    Warkan kasoo baxay Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay in 10-kii malamood ee lasoo dhaafay weerarada Al Shabaab ka geesteen magaalada Muqdisho gaarayaan 12 weerar , waxaana la sheegay in weeraradaasi lagu dilay dad ka badan 28-qof oo shacab u badan.

    Al Shabaab ayaa kordhisay qaraxyada iyo dilalka qorsheesan ee ka fuliyaan Muqdisho tan iyo markii la dhisay dowlada cusub, waxaana weerarkii ugu qasaaraha badnaa labo malain kahor uu ka dhacay agagaraka xarunta Wasaarada Gaashaandhiga halkasa oo lagu dilay dad ka badan 20-qof oo shacab u badnaa.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    The Intricate Web of Power: Djibouti’s Influence, Somali Governance, and Allegations of Corruption

    November 9, 2025

    Maxay Maraykanka uga dhigan tahay udoorashada Duqa New York Mamdani?

    November 9, 2025

    Isdhaafsiga ganacsi ka dhexeeya Somaliya iyo Imaaraadka Carabta?

    November 9, 2025
    Latest Posts

    African Union Commission Welcomes South Africa as G20 Chair and Host.

    The Intricate Web of Power: Djibouti’s Influence, Somali Governance, and Allegations of Corruption

    Maxay Maraykanka uga dhigan tahay udoorashada Duqa New York Mamdani?

    Isdhaafsiga ganacsi ka dhexeeya Somaliya iyo Imaaraadka Carabta?

    Faallo:-Dhibaatada laga dhaxlay Hubka Jimcaale iyo talada Aaran-jaan?

    Maxaa ka jira dacaayadaha laga sameeyo diyaaraadaha taageera Ciidamada PL?

    Faallo:-Loolanka Quwadaha Ee Geeska Afrika iyo doorka Puntland?

    Exclusive: Somali ISIS Leader Allegedly Moved to Qatar as Investigations Probe Secret Transfer Mogadishu,Somalia

    Djibouti at a Crossroads: The presidential transition crisis ahead of April 2026 elections

    U.S–Sudan Relations,By U.S. Embassy in Khartoum

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.