Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»70-qof oo ku geeriyootay Suntii Suuriya iyo Ruushka oo looga shakisan yahay
    Somalia

    70-qof oo ku geeriyootay Suntii Suuriya iyo Ruushka oo looga shakisan yahay

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyApril 5, 2017No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Dawladda Ruushka ayaa sheegtay in weerarkii ‘kiimikada’ loo adeegsaday ee dilay dadka badan ee shacabka ah kuwo kale oo badanna dhaawacay uu ka dhacay magaalo ay mucaaradku haystaan in uu sababay hub laga riday dhulka ay maamulaan jabhaduhu.

    Wasaaradda difaaca ayaase qirtay in diyaaradaha dagaaalka ee Suuriya ay weerar ka gaysteen magaalada Khan Sheikhoun oo ka tirsan gobolka Idlib.

    Laakiin waxay sheegtay in diyaaradahu ay weerareen kayd lagu sameeyo miinooyin walxo sun ah laga buuxiyay oo la rabay in lagu isticmaalo Ciraaq.

    Laakiin Maraykanka iyo qolyo kale ayaa sheegay in diyaaradaha Suuriya ay soo rideen hub kiimiko ah, laakiin dawladda Suuriya ayaa diiday eedaymahaas.

    Wasiirka arrimaha dibadda ee UK Boris Johnson ayaa warka Ruushka kaga jawaabay in “dhamaan cadaymaha uu arkay ay tilmaamayaan in xukuumadd madaxweyne Bashaar al Asad ay ka dambaysay weerarkaas, ayna hub sharci darro ah u isticmaalayso dadkeeda.”

    Koox xuquuqda aadanaha ee Suuriya u dhaqdhaqaaqda oo fadhigoodu yahay Britain ayaa dhimashada Khan Sheikhoun ku sheegay 72 ruux oo ay ka mid yihiin 20 carruur ah

    Muuqaal laga duubay goobta uu weerarkaas ka dhacay ayaa muujinaya dad shacab ah oo neeftu ku dhagantahay, dad goob joogeyaal ahna waxay sheegeen in markii dambana la duqeeyay rugihii caafimaad ee lagu dabiibayay dadka dhaawaca ah.

    Qaar ka mid ah dadka waxaa lagu daweeyay xadka dalka Turkiga, haweenay isbitaal ku jirtana waxay sheegtay in suntu ay saamaysay, ayna ku adkaatay in ay taagnaato ayna wareertay iyada oo xannuun dareemaysa, ayna ku adkaatay in ay neefsato.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Imaaraadka oo uga digay Yurub xagjiriinta Islaamka

    January 11, 2026

    Maraykanka oo duqaymo isdaba joog ah ka fuliyay Buuraha Calmiskad

    January 11, 2026

    Villa Somaliya awood ma uleedahay in ay Ciidamo ka hawlgiso gudaha dhulka PL?

    January 10, 2026
    Latest Posts

    Imaaraadka oo uga digay Yurub xagjiriinta Islaamka

    Maraykanka oo duqaymo isdaba joog ah ka fuliyay Buuraha Calmiskad

    Villa Somaliya awood ma uleedahay in ay Ciidamo ka hawlgiso gudaha dhulka PL?

    2025 oo noqday Sanadkii xaqiijinta Amniga Puntland.

    Faallo:-Xiriirka Sacuudiga iyo Imaaraadka keebaa uleh muhiimad PL?

    Faallo:-Villa Somaliya maka saari kartaa Dalka Dowlada Imaaraadka?

    Villa Somaliya oo ku cadaadinaysa Shiinaha in uu Wasiirka Arimaha dibada yimaado.

    Faallo:-Maxaa sababay baaqashada Wasiirka Shiinaha Ee Muqdisho?

    Faallo:-Khudbada Madaxweyne Xasan Shiikh Ee Caawa?

    Maraykanka oo ka baxay xubinimada hay’ado fara badan oo caalamiya

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.