Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»9 qof oo ku dhimatay gaari lagu jiirsiiyay Toronto
    Somalia

    9 qof oo ku dhimatay gaari lagu jiirsiiyay Toronto

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.April 23, 2018No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Sagaal qof ayaa dhimatay lix iyo toban kalana waxaa soo gaaray dhaawacyo kaddib markii nin u muuqanayo inuu si ulakac ah gaari u jiirsiiyay dad marayay hareeraha waddo aad u mashquul badan oo ku taal magaalada Toronto ee waddanka Canada, booliska ayaa sidaasi sheegay.

    Darwalka waday gaariga dadka la jiirsiiyay ayaa waxa uu isaga baxsaday goobta, hasayeeshee waxaa lagu qabtay meel aan sidaasi goobta uga fogeyn xabsiga ayaana loo taxaabay.

    Mas’uuliyiinta ayaa sheegaya in aanay weli ogaan sababta qofkaasi laga shakisan yahay ku dhalisay inuu weerrarkan gaysto.

    Qof ka mid ah dadkii goobtaasi joogay ayaa sheegay in gaarigu uu ku socday xawaare aad u sarreeya.

    Wasiirka Badqabka Dadweynaha ee Canada, Ralph Goodale, ayaa dhacdada ku tilmaamay inay tahay mid khatar ah hasayeeshee waxa uu diiday inuu ka hadlo waxa sababay arrintan.

    Kuxigeenka taliyaha booliska Toronto, Peter Yuen, ayaa sheegay in boolisku uu baarayo darawalkii waday gaariga, waxa uuna codsaday in dadkii goobjoogayaasha ah ay la soo xiriiraan.

    Weerarka ayaa ka dhacday dhabaha Yonge iyo wadada Finch saacaddu markii ay aheyd 1:30 duhurnimo xilliga Canada, ilaa 2 km ayuuna weerrarku ka dhacay.

    Meel halkaasi u jirta 30 km ayaa waxaa ku shirayay wasiirrada arrimaha dibedda ee dalalka ku midoobay G7 ee ku hormuray warshadaha, kuwaas oo ay ka mid yihiin Canada, Mareykanka, Britain, Faransiiska, Jarmalka, Talyaaniga iyo Japan.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    RIYADH: Xuutiyiinta oo gantaalo ku dilay dad Sacuudiga u tagay Cumro

    October 12, 2026

    Nin Dil iyo dhaawac ka geystay Suuqa Garoowe oo gacanta lagu dhigay

    October 11, 2026

    SANAAG: Puntland oo go’aano Amni kasoo saartay Badhan, kaddib baaqii Suldaan Siciid

    October 11, 2026
    Latest Posts

    RIYADH: Xuutiyiinta oo gantaalo ku dilay dad Sacuudiga u tagay Cumro

    Nin Dil iyo dhaawac ka geystay Suuqa Garoowe oo gacanta lagu dhigay

    SANAAG: Puntland oo go’aano Amni kasoo saartay Badhan, kaddib baaqii Suldaan Siciid

    Sagal Cabdi-Wali oo loo doortay Xildhibaan kamid ah Baarlamaanka UK

    Gollaha Wasiirada Puntland oo 3 arrimood ka wada-hadlay

    XOG: Xassan Shiikh oo diyaariyay weerar ka dhan ah Shariif iyo Kheyre

    Itoobiya oo ku eedeeysay Xassan Shiikh ‘in uu khiyaamay’

    DEGDEG: Puntland oo soo saartay habraacyo looga hortagayo cudurka Ebola

    Golaha Bilicda Gaalkacyo oo hirgelinaya mashaariic horumarineed

    Markabka Honour-25 oo kusoo xirtay Dekedda Boosaaso










    AD







    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.