Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»Booliska Puntland oo war kasoo saaray Nin lagu xiray Garowe
    Puntland

    Booliska Puntland oo war kasoo saaray Nin lagu xiray Garowe

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.March 11, 2025No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Garowe, Maarso 11, 2025 – Ciidanka Booliska Puntland,ayaa maanta xabsiga dhigay eedaysane lagu arkay muuqaal baraha bulshada lagu faafiyey, isagoo si xun u jirdilaya ilmo yar suuqa magaalada Garoowe. Eedeysanaha ayaa magaciisu yahay Cabdifitaax Cabdinuur Faarax.

    Baaritaanka hordhaca ah ee Boolisku sameeyey,ayaa caddeeyey in eedaysanuhu uusan ka tirsanayn Ciidanka Booliska Puntland ama hay’adaha kale ee amniga. Sidaas darteed, wuxuu fal-dambiyeed ku galay isticmaalka dharka Ciidanka iyo xadgudubka xuquuqda ilmaha yar. Eedeysanaha ayaa ka mid ah waardiyeyaasha Suuqa Inji ee Garowe.

    Ciidanka Boolisku, iyagoo fulinaya waajibaadkooda sugidda amniga iyo ilaalinta xuquuqda muwaadiniinta, ayaa degdeg uga falceliyey dhacdadan, waxaana eedaysanaha loo gudbin doonaa hay’adaha Garsoorka si sharciga loola tiigsado.

    Ciidanka Booliska Puntland wuxuu caddeynayaa in dhammaan sharciga la marsiin doono cid kasta oo ku lug leh falal ka hor imaanaya xeerarka iyo anshaxa Ciidanka, kana dhan ah ilaalinta xuquuqda shacabka. Sidoo kale, Boolisku wuxuu xoojiyey dadaallada la dagaallanka cid kasta oo si khaldan u adeegsaneysa dharka iyo magaca Ciidanka.

    Ugu dambeyn, Booliska Puntland wuxuu shacabka ugu baaqayaa in ay la shaqeeyaan hay’adaha amniga, islamarkaana ay si degdeg ah ugu soo wargeliyaan falalka sharci-darrada ah si tallaabo degdeg ah looga qaado.

    Fadlan, La soo xiriir Ciidanka Booliska Puntland oo #Wac 999 haddii aad ka warbixinayso dembi socda ama haddii ku jirto khatar degdeg ah 24/7

    — DHAMMAAD —

    Wixii Faahfaahin dheeraad ah kala Xiriir:

    Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta
    Ciidanka Booliska Puntland.
    Twitter: https://x.com/Plpoliceforce
    Website: www.police.pl.so
    Email: media@police.pl.so

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maxaa kasoo baxay Shirka Amniga ee gobolka Mudug?

    September 24, 2026

    Akhriso: Puntland oo war kasoo saartay maleeshiyaad soo galay xaduudkeeda, oo la qabtay

    September 21, 2026

    DEGDEG: Puntland oo qabatay maleeshiyaad loo wadday Xananbuure

    September 21, 2026
    Latest Posts

    Maxaa kasoo baxay Shirka Amniga ee gobolka Mudug?

    Akhriso: Puntland oo war kasoo saartay maleeshiyaad soo galay xaduudkeeda, oo la qabtay

    DEGDEG: Puntland oo qabatay maleeshiyaad loo wadday Xananbuure

    Shirweynaha PDRC: Siyaasiyiin iyo aqoonyahano Soomaaliyeed oo caawa ku hoyanaya Garoowe

    Puntland oo bilowday howlgal lagula dagaalamayo Burcad-badeeda

    UPDATE: Cutubyo kamid ah Ciidanka Puntland oo lagu daabulay Calmadow

    Turkey oo Muqdisho kasoo dajiyay Soomaali uu soo tarxiilay

    Maxaan ka naqaan Safiirka cusub ee Trump u soo magacaabay Soomaaliya?

    𝐀𝐑𝐓𝐈𝐂𝐋𝐄| The Heaven of the Earth: A Journey Beyond the Horizon into the Spirit of Ras Caseyr

    Xaawo Aadan Camey oo geeryootay

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.