Taliska Booliiska Laanta Nabadgalyada Puntland (Taraafik) ayaa sheegay in habeenkii xalay shil gaadiid oo khasaare naf iyo maal leh sababay uu ka dhacay bartamaha magaalada Garoowe.
Shilka ayaa dhacay kadib markii uu isku dhacay gaari Haaryar ah oo uu waday Cabdalle Maxamed Cabas iyo gaari Bajaaj ah oo uu waday marxuum Nuur Ibraahim Maxamuud.
Shilkan naxdinta leh ayaa sababay dhimashada laba qof oo saarnaa Bajaajka, sidoo kale afar gaari oo kale oo goobta marayay ayaa burbur soo gaaray.




