Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»Faallo:-SL ma waxay ku xadgudubtay Diinta Islaamka?
    Puntland

    Faallo:-SL ma waxay ku xadgudubtay Diinta Islaamka?

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.May 23, 2026No Comments3 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Itixaadka ama ictisaamka shalay ka qaylinayey masaajidada Garowe iyo Nayrobi ee ku doodayey Qudus,ayaa SL safaarad ka furatay oo Wadamada iyo Ururada caalamka sida UN iyo UNSC u aqoonsan uhiin in ay tahay dhul falastiin oo la xoogay,waa marin habaanin ay dadka marin habaaninayaan.

    Ururka Itixaad,waxaa abuuridiisii iska lahaa Wadaado Diimeed oo Beesha Daarood ah,waxaase talada iyo hogaaminta qaatay Wadaado Beesha Hawiye ah,waxaana tusaale loosoo qaadan karaa dagaalkii 1993-dii ay ku qaadeen SSDF.

    Haatan Itixaadka umagac badashay Ictisaamka Daarood ee Garowe iyo Kenya joogaa,waxaa ku shaqaysta XSM,Cali Wajiis iyo Bashiir Salaad.

    Ictisaamka Daarood,waaa lagu shaqaysanayaa,waxayna rabaan in ay shacabka ka hor keenaan Xukuumada PL, iyadoo la leeyahay dad dhulka Falistiin u aqoonsan Israa’iil,ayaa Garowe loo ogolaaday in ay ku dabaaldegaan.

    Qudus?.

    Falastiin,waxay sheegataa Bariga Qudus in ay caasimad u tahay,sidoo kale caalamkuna,waa u aqoonsan yahay Bariga Qudus in ay Falastiin leedahay.

    Safaaradaha degan Qudus,waxay kuwada yaalaan Galbeedka Qudus oo Falastiin aysan sheegan.

    Haddii safaarad ay ka furato SL galbeedka Qudus taasi kama dhigna in ay dhulka Falastiin sheegato oo caalamkuna uqirsan yahay ay xaqirtay.

    Bariga Qudus?

    Bariga Qudus iyo Daanta galbeed waxaa laga qabsaday Jordan oo ay qayb ka ahaayeen oo dadkii reer Falastiin ee deganaa ay haysteen dhalashadeeda iyo Baasabooradeeda.

    Bariga Qudus iyo Daanta Galbeed dadkii deganaa oo haystay dhalashada iyo Baasaboorada Jordan,waxaa lagala noqday 1988-dii, markii Dalalka Carabta ay isla garteen in loo daayo PLO in ay metasho oo noqoto codka rasmiga ah ee u hadla Falastiinta,waxaana sidaa aqbalay Boqor Xuseynkii Jordan oo isla maalintiiba,waxaa lagala laabtay dhalashadii Jordan 1.5 Milyan Falastiiniyiin ah.

    Sidaas ayay ku noqdeen shacab aan lahayn dhalasho iyo Baasaboor ( stateless) reer Falastiin.

    Jordan markaas kadib waxay kusoo rogtay Faladtiniyoonta Kaar Cagaaran in ay qaataan,kaasoo shuruudo adag ku xiran yihiin,sida…

    1. In Qudus ID ama Israa’iil ID iyo cadayn Waalidka dhalashadiisa iyo reerka uu ka dhashay.
    2. Dhanka amnigana Raga,waa in ay ka haystaan warqad sirdoonka Jordan,halka dumarkana laga rabo in ay keenaan warqada guurka iyo dhalashada Ninkeeda.

    Shuruudahaas Qofka buuxiya,waxaa la siiyaa Baasaboor aan xuquuq lahayn oo kmg ah oo kala ah, 5-Sano dadka degan Qudus iyo Daanta iyo 2-Sano dadka degan Qasa.

    Falastiiniyiibta deganayd gudaha Jordan,iyaga waxay qaateen Kaar Jaalle ah oo waxay la mid noqdeen muwaaduniinta Jordan oo ay kala siman yihiin wax kasta oo xuquuq ah.

    Qasa?

    Qasa,waxaa laga qabsaday Masaarida,waxaana dhulka degaanaa dad la iran jiray Ansaar oo Falastiiniyiintu,waa u qaxeen Qasa.

    Isku mar,ayaa lawada qabsaday…

    1. Qasa oo Masar laga qabsaday.
    2. Golan heights oo laga qabsaday Suuriya.

    3.Daanta galbeed iyo Bariga Qudus oo laga qabsaday Jordan.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maraykanka oo ka niyad jabay dhismaha Dowlad dhexe oo xoog leh oo Somaliyed

    May 24, 2026

    Maraykanka oo hirgeliyay Xaafiis amniga Badaha ah oo SL iyo PL isku xiraya

    May 24, 2026

    Faallo:-Maxay PL uga dhigan tahay booqashada weftiga Maraykanka?

    May 23, 2026
    Latest Posts

    Maraykanka oo ka niyad jabay dhismaha Dowlad dhexe oo xoog leh oo Somaliyed

    Maraykanka oo hirgeliyay Xaafiis amniga Badaha ah oo SL iyo PL isku xiraya

    Faallo:-SL ma waxay ku xadgudubtay Diinta Islaamka?

    Faallo:-Maxay PL uga dhigan tahay booqashada weftiga Maraykanka?

    Hay’ada wardoonka Puntland ee PISA oo horumar samaysay

    Puntland oo go’aamo kasoo saartay mudo xileedka dhamaaday Ee Xasan Shiikh

    Maraykanka oo maalgashanaya Macdanta Puntland

    HSM Stripped of Executive Power as Term Expired on 15 May

    Mw Israa’iil oo Waraaqaha aqoonsiga ka gudoomay Safiirka SL

    Xog:-Maxaa kasoo baxay kulankii BC iyo GMS?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.