Booqashadii weftiga Maraykanka ee ka koobnaa Milleteriga iyo siyaasada ee PL,wuxuu ahaa mid fariimo kala duwan dirayay.
Xasan,waxaa lagala hadlay gurmadka abaaraha,taageerada amni iyo mudo dhaafka mudo xileedkiisa.
Halka PL oo ah DG ka tirsan DF ah lagala hadlay maalgashi,iskaashi amni iyo xoojinta xiriirka diblomaasi.
Waa inta ay kawada hadleen Madaxweynayaasha Maraykanka iyo Shiinaha.
Waa tixgelin weyn oo maqaam sare leh oo PL u ahayd suuqgayn,buunbuunin,dacaayad siyaasadeed iyo soo jiidasho maalgashi.
Waxaa wax weyn ah oo fure aad ku furato Albaabada caalamka kale ah in Maraykanku kaala hadlo maalgashi.
Booqashadii weftiga Maraykanku,waxay kaloo fariin udiraysay Villa Somaliya Ninka sharcidarada ku fadhiya oo loo sheegayay hadaad talo qaadan waydo,waxaan toos ula macmiilaynaa qaybaha kale ee dalka oo kaa mudnaan siin doonaa.
Sanadkii ugu danbeeyay R.galbeedku,waxay ku mashquulsanaayeen xog ururinta in dib loosoo cesho iyo in kale siyaasadii Laba Wajiilaynta,waxaana muuqata haatan in ay qaateen go’aanka ah in ay soo ceshaan.
BC,waxay si weyn uga niyad jabtay kobcinta hay’adihiii fadaraaliga ahaa ee loo sameeyay wax walba oo ay ku noqon kareen Dowlad dhisan….
- Waxaa laga saaray kmg.
- Waxaa loo sameeyay dastuur.
- Waxaa laga qaaday cunaqabatayntii Hubka.
4.Waxaa laga cafiyay Dayntii.
- Waxaa laga taageeray amaankii.
6.Waxaa laga taageeray miisaaniyadii.
- Waxaa laga taageeray Diblomaasiyadii.
Sida muuqata Dowladnimada Somaliya xawaare aysan qaadi karin,ayaa lagu socod siiyay ama fool kululayso,ayaa lagu dhuftay,waxaana ka dhalatay Dowlad Bacrimin ku abuurmatay.
Booqashada weftiga Maraykanka,waxay PL u ahayd fursad qaaliya oo muujisay in PL tahay nidaam si wanaagsan udhismay,masuul ah oo BC u aragto mid lala shaqayn karo.
