Madaxweyne Deni oo ku jooga booqasho Wadanka Imaaraadka,ayaa guulo ka gaaray arimihii uu u aaday,kuwaasoo laga xusi karo…….
- Imaaraadku,wuxuu kordhinayaa taageeradiisa Ciidamada Badda Puntland.
- Imaaraadku wuxuu kordhinayaa taageeradiisa PL ee ladagaalanka argagixisada iyo burcad badeeda.
3.Imaaraadku,wuxuu kordhinayaa taageeradiisa PL ee horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha,sida Dekaddaha, garoomada iyo Wadooyinka.
4.Imaaraadku,wuxuu kordhinayaa dhismaha xarumaha Dowladda ee Ciidamada iyo Rayidka.
5.Imaaraadku,wuxuu bixinayaa mushahaarka Ciidamada Booliiska iyo shaqaalaha Rayidka ah ee PL.
6.Imaaraadky,wuxuu bixinayaa magdhowga Ciidamada ku geeriyooday hawlgalka Calmiskaad,iyadoo calaa Askari laga bixin doono $20-kun.
7.Imaaraadku,wuxuu bixin doonaa daryeelka joogta ah oo ay helayaan Agoontii ay ka tageen Ciidamada hawlgalka Calmiskaad ku shahiiday,waxaana loosoo marsiin doona hay’ada Bisha Cas ee Imaaraadka.
8.Imaaraadku,wuxuu kordhinayaa gargaarka iyo deeqaha ay bixiso hay’adda bisha cas ee abaaraha iyo dadka danyarta ah ku quseeya.
9.Imaaraadku,wuxuu laba jibaarayaa Tababarada ay taageeraan ee guud ahaan Ciidamada Puntland.
10.Imaaraadku,wuxuu Laba jibaarayaa ka qayb ka qaadashadiisa dagaalka Daacish ee Buuraha Calmiskaad iyo kan AS ee Calmadow.
PL,waa umuhiim xiriirkeeda Imaaraadka oo majiro Wadan uga mudan in ay ku xirnaato xilligan xasaasiga ah ee aan garab la’aan la socon karin.
