Hawlgalkii Hillaac ee Calmiskaad,waa gabagabo.
Dhamaan Ciidamadii ka qayb qaatay,ayaa lasoo xaraynayaa Todobaadyada soo socda,waxayna dib ugu soo laabanayaan fariisimihii ay ka dhaqaaqeen markii hore.
Ciidamada soo degaya,ayaa gaaraya ku dhawaad 5000 oo Askari.
900 oo Askari oo dhawaan tababar loosoo xirayo oo Daraawiish ah iyo 500 oo cusub oo Ciidanka Badda ah oo lagu kabay 700 oo Maleeshiyaad Deegaanka ah,ayaa la dajinayaa Calmiskaad si rasmi ah oo badalaya Ciidamada soo baxaya.
Sidoo kale,waxaa gabagaba ku dhow Wadada Dhaadaar-Bosaso oo muhiim u ah ilaalinta Calmiskaad si aysan mar danbe argagixiso ugu soo dhuuman.
Ciidamada kasoo dagaallamay Calmiskaad,ayaa dib loogu samaynayaa waxa loogu yeero (Feero celin),iyadoo loo samaynayo…
1.Dayactir Gaadiid
2.Baaris caafimaad.
3.Nasin &, Daryeelid.
Hawlgalka Calmiskaad,waxaa si weyn ugu dhismay Ciidamada Puntland.
