Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»Xildhibaanada Fadaraalka iyo kuwa PL iyo Mw Deni oo kawada xaajooday xaalka Dalka
    Puntland

    Xildhibaanada Fadaraalka iyo kuwa PL iyo Mw Deni oo kawada xaajooday xaalka Dalka

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.January 7, 2026No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Garoowe : 06 January 2026: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, oo uu weheliyo Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Mudane Ilyaas Cismaan Luagatoor, ayaa caawa wadatashi iyo is-xogwareysi la yeeshay Golaha Wakiillada Dowladda Puntland iyo qaar ka mid ah Xildhibaannada Puntland ku metela labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya. Kulanka ayaa looga hadlay guud ahaan xaaladda Soomaaliya, doorka Puntland ee Dowlad dhiska Soomaaliya iyo Isbedelka ka socda Gobolka.

    Waxaa kulanka ka qeybgalay Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Golaha Wakiillada Dowladda Puntland Mudane Maxamed Maxamuud Ciise (Awoowe), Senator Cabdiraxmaan Faroole Madaxweynihii hore ee Dowladda Puntland Ahna Senator ka tirsan Aqalka Sarre ee Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Dowladda Puntland.

    Kulankan ayaa qeyb ka ah kulamo wadatashi oo Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland, ay la yeellanayaan Goleyaasha Dowladda , Siyaasiyiinta, Haldoorka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada si aragtida iyo tallooyinka kulamadaasi Kasoo baxa loogu saleeyo go’aamada masiiriga ah ee Dowladda Puntland ee ku saabsan marxaladda dalku marayo.

    • DHAMMAAD-

    -XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND-

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maraykanka oo dhabarka ujeediyay ictiraaf raadintii Somaliland

    June 2, 2026

    Mudug oo Boolis cusub tababar loogu soo xiray

    June 1, 2026

    In ka badan 25-kun oo Arday oo ufariisatay imtixaanka Shahaadiga Ee Puntland

    June 1, 2026
    Latest Posts

    Maraykanka oo dhabarka ujeediyay ictiraaf raadintii Somaliland

    Mudug oo Boolis cusub tababar loogu soo xiray

    In ka badan 25-kun oo Arday oo ufariisatay imtixaanka Shahaadiga Ee Puntland

    Faallo:-Muxuu ka dhignaa weerarkii Ciidamada Laftagareen Ee Baydhabo?

    Beesha caalamka oo baaq udirtay hogaamiyayaasha Somalida

    At Least 10 Soldiers Killed in Clashes in Baidoa as Forces Clash in Urban Fighting

    Maraykanka oo ka niyad jabay dhismaha Dowlad dhexe oo xoog leh oo Somaliyed

    Maraykanka oo hirgeliyay Xaafiis amniga Badaha ah oo SL iyo PL isku xiraya

    Faallo:-SL ma waxay ku xadgudubtay Diinta Islaamka?

    Faallo:-Maxay PL uga dhigan tahay booqashada weftiga Maraykanka?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.