Dowladda Mareykanka,ayaa ku dhawaaqday in ay ‘hakisey’ dhammaan howlihii gargaar ee Soomaaliya, ka dib markii mas’uuliyiin ka tirsan DFS ay burburiyeen bakhaar-keyd raashin oo loogu talo-galay dadka danyarta ah, lana qaatay ilaa 76 tan cunto ah.
Mareykanku ma caddayn halka ay dhacdadan ay ka dhacday, waxa ay se sheegeen in dib-u-soo-celinta gargaarka ay ku xirnaan doonto tallaabada ay qaaddo DFS.

