“Dowladda Federaalka oo ku fashilantay masuuliyaddi loo igmaday ee isku haynta dalka iyo dadka Soomaaliyeed, waxay u aragtaa arrimahan oo kale inay kaga dhuumanayso masuuliyadihii ay gabtay, oo ay ka mid ahaayeen isku haynta dadka Soomaaliyeed iyo sidii looga bixi lahaa waqtigan adag ee dalku ku jiro, hubanti la’aanta doorasho iyo kala irdhowga ku dhacay dadka Soomaaliyeed.
Dhammaan heshiisyada horumarineed iyo kuwa amni, gaar ahaan dhinacyada ganacsiga iyo horumarinta kaabayaasha kala duwan ee Dowladda Jubaland uu xaqa u siinayo Dastuurkeeda iyo kan Dowladda Federaalka, way sii jiri doonaan, Jubaland kaliya ayaa xaq u leh wax ka beddelkooda ama baabi’intooda.”
Halkan ka akhriso:-

