Dhamaan Gobollada PL,ayaa Talisyadooda Booliska la dhisay oo la qalabeeyay.
Sidoo kale Taliska guud ee Booliska,ayaa la dhisay.
Ardaydii Jaamacadaha iyo kuwa Dugsiyada sare soo dhamaystay,ayaa loo qaatay Booliska.
Dufcadii ugu horaysay,waxay soo baxeen Bilo ka hor,waxaana lagu wareejiyay amniga Gobolka Nugaal.
Dufcadii Labaad,ayaa iyagana lagu wareejiyay amniga Gobolka Mudug.
Waxaa kaloo dhawaan lagu wareejinayaa amniga Gobolka Bari dufcadii Sadexaad.
Laba Urur oo Ciidan Boolis si gaar ah loo diyaariyay,ayaa tababar adag gabagaba uyahay.kuwaasoo ka hawlgalaya Magaalooyinka khataraha waa weyn ee ka dhaca.
Waxaa kaloo loo sameeyay Booliska Cutub Dronska ku hawlgala.
