Dowladda Puntland ayaa ku dhawaaqday howlgal ballaaran oo ka dhan ah Kalluumeysiga sharci-darrada ah ee xeebaha Puntland.
Howlgalka oo ay fulin doonaan Ciidanka Badda Puntland ayaa laga daahfuray magaalada Boosaaso, waxaana lagu beegsan doonaa doonyaha iyo Maraakiibta sifada sharci darrada ah uga kalluumeysanaya xeebaha Puntland.
Inta howlgalku socda ayaa doonyaha iyo Maraakiibta lagu soo qabto la keeni doonaa Dekedda Puntland, iyadoo sharciga la horkeeno doono shaqaalaha iyo masuuliyiinta wata doonyaha.
Kalluumeysatada kunool xeebaha Puntland ayaa si weyn uga cabanaya doonyo iyo Maraakiib jariif ah, kuwaas oo mararka qaar waxyeelo u geystay kalluumeysatada deegaanka, oo wata saxiimado yar yar.
IDILNEWS
