Dowladda Ingariiska ayaa walaac ka muujisay dagaallada soo noqnoqday ee dhowaanahan ka dhacayay magaalada Baydhabo ee caasimadda KMG ah ee maamulka Koonfur Galbeed.
War-saxafadeed kasoo baxay Safaarada Ingariiska ee Muqdisho – ayaa lagu sheegay in dagaallada Baydhabo ay saameyn ku yeesheen dad rayidka ah, ayna halis ugu jiraan in ay ka sii darto xaalada Bani’aadanimo ee magaalada Baydhabo.
“Boqortooyada Ingiriiska ayaa ka walaacsan dagaalka ka soo cusboonaaday Baydhabo iyo saameynta uu ku leeyahay dadka rayidka ah. Rabshado dheeraad ah ayaa halis ugu jira inay sii xumeyso xaalad bani’aadamnimo oo horeba u jilicsanayd oo ka jirta Gobolka Koonfur Galbeed, iyadoo bulshooyinka ay sidoo kale wajahayaan saameynta El Niño toddobaadyada soo socda.”
Boqortooyada Ingariiska ayaa ugu baaqday dhinacyada dagaallamaya in ay is xakameeyaan, ayna aadaan wada-hadal lagu xalinayo khilaafaadkooda.
“Waxaan ugu baaqaynaa dhammaan dhinacyada inay is xakameeyaan, dejiyaan xiisadaha oo ay ku xalliyaan khilaafaadkooda wadahadal.”
IDILNEWS
