Diyaaradaha Turkey ee F-16 ayaa manata dul heehaabaya deegaanada ku xeeran magaalada Muqdisho, kaddib dhaqdhaqaaq aan caadi ahayn oo saacadihii lasoo dhaafay ay sameeyeen maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab oo todobaadyo kahor soo qabsaday deegaano dhaca duleedka Muqdisho.
Wararka aan helnay ayaa sheegaya in Al-Shabaab ay maleeshiyaad badan keentay duleedka Muqdisho, kuwaas oo aan la aqoon halka ay ku wajahan yihiin.
Aroornimadii saaka ayaa saddex kamid ah diyaaradaha F-16 ee Turkey, oo maalmihii lasoo dhaafay lagu beegsanayay ciidamada Daraawiishta Koonfur Galbeed ee daacada u ah Madaxweyne Cabdicasiis Laftagareen, laga kiciyay Muqdisho, iyadoo ilo lagu kalsoon yahay ay inoo sheegeen in ujeedka loo kiciyay ay ahayd culeys amni oo duleedka Muqdisho ay soo saareen maleeshiyaadka Al-Shabaab.
Kaddib, saacado kooban waxaa iyagana Muqdisho ka kacay dhowr diyaaradood oo ah kuwa qoryuhu ku xiran yihiin, kuwaas oo la adeegsaday dagaallada.
Al-Shabaab ayaa horrey u soo qabsatay deegaano muhiim ah, iyadoo ciidamada dowladda lagu soo riixay dagaalo ka dhacay gobollada Shabeelooyinka oo saameyn ba’an ku leh Amniga Muqdisho, oo ah waxa kali ah ee uu sheegto maamulka waqtigiisu dhammaaday ee Xassan Shiikh in uu ku guuleystay.
IDILNEWS
