Maamulka waqtigiisu dhammaaday ee Xassan Shiikh Maxamuud ayaa qorsheynaya in uu todobaadyada soo socda weeraro xubnaha mucaaradka ee ku sugan Muqdisho.
Xubnaha la weerarayo ayaa waxaa kamid ah Madaxweynihii 7aad ee DFS, Shariif Shiikh Axmed iyo Ra’iisul Wasaarihii ee XFS Xassan Cali Kheyre.
IdilNewa ayaa ogaatay in bil kahor uu Xassan Shiikh u diray saraakiisha taabacsan diyaarinta qorshe lagu weerarayo Shariif Shiikh Axmed iyo Xassan Cali Kheyre, iyadoo hada lasoo gabagabeeyay diyaarinta qorshahaan.
Madaxweyne hore Shariif Shiikh Axmed oo Shir jaraa’id xalay ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay in ay heleen xog sheegaysa in uu weerar kusoo yahay Xassan Shiikh, iyadoo la xalaalsanayo dhiigooda.
Xogaha ayaa intaa ku darayo in mucaaradka jooga Muqdisho ay dhankooda bilaabeen diyaargarow la xiriira in iska difaacaan weerarka Xassan Shiikh, iyagoo diiwaangashtay maleeshiyaad ku Reer ah oo Dr Difaaca.
IDILNEWS
