Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»Gollaha Wasiirada Puntland oo 3 arrimood ka wada-hadlay
    Puntland

    Gollaha Wasiirada Puntland oo 3 arrimood ka wada-hadlay

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyOctober 8, 2026No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Ku-simaha Madaxweynaha Ahna Madaxweyne kuxigeenka Dowladda Puntland Mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor, ayaa maanta Shir-guddoomiyey Shirka todobaadlaha ah ee Golaha Wasiirada oo todobaadkan looga hadlay: –

    ◆Amniga: Wasaaradda Amniga ayaa Golaha la wadaagtay Warbixinta todobaadlaha ah ee Amniga Guud ee Puntland, Howlgalada lagu soo afjaray Burbad badeeda iyadoo todobaadkan magaalada Boosaaso lagu soo bandhigay Markabka HONOUR 25 oo laga soo furtay Burcad badeeda.

    ◆ Nabadeynta Golaha ayaa boggaadiyey sida ay u socoto howsha nabadeynta Beelaha Walaalaha ah ee ku diriray Gobolka Sanaag, go’aankii ay nabadeynta ku ogolaadeen Beelaha diriray, Gogosha Dhaqanku ku dhawaaqay iyo dadaalka ay Dowladda Puntland gelisay in nabadeyn la isugu yimaado, Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo masuuliyiin kale ayaan howshaasi u jooga degmada Ceelbuh ee Gobolka Sanaag.

    ◆ Kheyraadka Badda: Golaha ayaa looga hadlay horumarinta ka faa’ideysiga
    kheyraadka Badda, iyadoo Wasaaradda Kalluumeysiga Puntland ay warbixin arrintan ku saabsan la wadaagtay Golaha. Wuxuu Goluhu adkeeyay baahida loo qabo in kor loo qaado xirfada ka faaidaysiga khayradka badda.

    <>

    IDILNEWS

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    XOG: Xassan Shiikh oo diyaariyay weerar ka dhan ah Shariif iyo Kheyre

    October 8, 2026

    Itoobiya oo ku eedeeysay Xassan Shiikh ‘in uu khiyaamay’

    October 6, 2026

    DEGDEG: Puntland oo soo saartay habraacyo looga hortagayo cudurka Ebola

    October 6, 2026
    Latest Posts

    Gollaha Wasiirada Puntland oo 3 arrimood ka wada-hadlay

    XOG: Xassan Shiikh oo diyaariyay weerar ka dhan ah Shariif iyo Kheyre

    Itoobiya oo ku eedeeysay Xassan Shiikh ‘in uu khiyaamay’

    DEGDEG: Puntland oo soo saartay habraacyo looga hortagayo cudurka Ebola

    Golaha Bilicda Gaalkacyo oo hirgelinaya mashaariic horumarineed

    Markabka Honour-25 oo kusoo xirtay Dekedda Boosaaso

    Kenya oo shaacisay in Qof u geeryooday xanuunka Ebola

    Puntland oo Pakistan ku wareejisay Meydadka saddex Badmaaxe iyo 4 nool

    DEGDEG: Ciidanka Yemen oo dib u qabsaday magaalada Al-Makha

    Axmed Shide oo loo doortay Afhayeenka Baarlamaanka Itoobiya










    AD







    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.