Dowladda Puntland ayaa ka qeybgashay shir looga hadlayay Amniga Baddaha oo uu soo qaban qaabiyay Midowga Yurub, laguna qabtay caasimadda dalka Itoobiya ee Addis Ababa.
Shirka oo ahaa mid muhiim ah ayaa waxaa qeyb ka ahaa saraakiil ka socotay Ciidamada Badda Dowladda Puntland ee PMPF. Waxaa sidoo kale ka qeybgalayaasha kamid ahaa saraakiil ka socotay Somaliland, Yemen, Cumaan iyo Itoobiya oo dalkeeda lagu qabanayay shirka.
Shirka oo socday afar maalmod ayaa diirada lagu saaray iskaashiga amniga Badda Cas, dhinacyada ayaa iska afgartay in wadajir looga shaqeeyo ammaanka Badda.
Ciidamada Badda Puntland ayaa bilihii u dambeeyay dagaal adag kula jiray kooxaha burcad-baddeeda ah, kuwaas oo ay maalgaliyeen dowladda shisheeye oo Turkey kamid ah yahay. Waxaana howlgallo ay qaadeen ciidanka Badda Puntland kusoo furteen ilaa saddex markab oo burcad-baddeedu kasoo afduubatay xeebaha caalamiga ah, lana yimaadeen biyaha deegaanada Puntland iyo Galmudug.
In Shirka lagu casuumo Puntland iyo Somaliland, iyadoo aan wax casuumaad ah loo dirin maamulka haysta sharciyada caalamiga ah ee Dowladnimada Soomaaliya, ayaa muujinaysa muhiimada deegaanada iyo in ay yihiin cidda kali ah ee leh Ciidamo rasmi ah oo Baddeed.
IDILNEWS
