Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»Baarlamaanka Puntland oo xasaanada ka qaadaya Wasiiro katirsan Xukuumadda Deni
    Puntland

    Baarlamaanka Puntland oo xasaanada ka qaadaya Wasiiro katirsan Xukuumadda Deni

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyOctober 30, 2026No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Sidda ay ogaatay IdilNews, Xildhibaanada Baarlamaanka Dowladda Puntland ayaa wadda qorshe ay doonayaan in ay xasaanada kaga qaadaan Wasiiro katirsan xukuumadda Madaxweyne Siciid Cabdulaahi Deni.

    Wasiirada ay doonayaan in Xildhibaanada Baarlamaanka Puntland ay xasaanada ka qaadaan ayaa waxaa kamid ah Wasiirka Caafimaadka Puntland, Maxamed Faroole, Wasiirka Waxbarashada Puntland, Fu’aad Adeer, Wasiirka Maaliyadda Puntland, Maxamed Faarax iyo xubno kale oo katirsan Xukuumadda Deni.

    Wararka ayaa sheegaya in Wasiirada qaarkood looga yeeri doono kulamada Kalfadhiga 59aad ee furmay 25 bishan October, iyadoo su’aalo laga weydiin doono dhacdooyin ka taagan Wasaaraddahooda, iyadoo intaa kaddib xildhibaanadu cod gelin doonaan ridistooda.

    Xogaha ayaa intaa ku daraya in qorshaha xasaanad ka xayuubinta ay waddo Madaxtooyada Puntland, ayna suuragal tahay in xildhibaanadu si aqlabiyad leh u ridaan Xukuumadda Madaxweyne Deni.

    Madaxweyne Deni ayaa aad uga walaacsan isku shaandheyn uu doonayo in uu ku sameeyo Golihiisa Wasiirada, isagoo cabsi ka qaba in ku keento culeys siyaasadeed, wallow saaxiibada ku dhow Madaxweynaha ay soo tabinayaan doonistiisa ku wajahan in qaar kamid ah Wasiiradiisa uu ka saaro dowladdiisa, maadama uu arko in ay ka shaqeeynayaan siyaasaddo ka dhan ah iyo olale doorasho oo ku wajahan musharraxnimadooda 2029.

    IDILNEWS

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maxaa kasoo baxay Shirka Amniga Badda Cas – oo PUNTLAND uga qeybgashay Addis Ababa ?

    October 30, 2026

    GAROOWE: Puntland oo xirtay Akoonadii maleeshiyaadka Xassan Shiikh lacagta loosoo marin jiray

    October 29, 2026

    Netanyahu iyo isbaheysigiisa oo lumiyay aqlabiyada doorashada Israa’iil

    October 28, 2026
    Latest Posts

    Baarlamaanka Puntland oo xasaanada ka qaadaya Wasiiro katirsan Xukuumadda Deni

    Maxaa kasoo baxay Shirka Amniga Badda Cas – oo PUNTLAND uga qeybgashay Addis Ababa ?

    GAROOWE: Puntland oo xirtay Akoonadii maleeshiyaadka Xassan Shiikh lacagta loosoo marin jiray

    Netanyahu iyo isbaheysigiisa oo lumiyay aqlabiyada doorashada Israa’iil

    Puntland iyo Denmark oo ka wada-hadlay iskaashiga Amniga

    Madaxweyne Deni oo la kulmay masuuliyiinta Wasaaradda Maaliyadda Puntland

    Akhriso: Ajandaha Baarlamaanka Puntland oo ay kasoo muuqdeen qodobo xasaasi ah

    Siciid Deni ma taageeri doonaa maamulka cusub ee Hiiran ?

    GAALKACYO: Puntland oo Galmudug ka sugaysa Rag dil ka geystay Gaalkacyo

    Deni oo qaabilay Guddoomiyaha Jaaliyadda Zambia










    AD







    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.