Ciidamada Dowladda Ugandha ee ku sugan deegaano katirsan gobolka Shabeellaha hoose – ayaa bilaabay diyaar-garow ay ku doonayaan inay ku baneeyaan saldhigyadooda, kaddib amar sarre oo ka yimid xafiiska Madaxweynaha Ugandha, Yoweri Museveni.
Ciidanka oo dhan kumanaan askari, ayaa ah ciidamada sida rasmiga ah u suga amniga, gacantana ku haya deegaanada Shabeellaha hoose ee saameynta ku leh ammaanka iyo nolasha magaalada Muqdisho.
IdilNews ayaa ogaatay in go’aanka bixitaanka Ugandha ay soo dadajisay heshiisyada cusub ee dhexmaray beelaha gobollada Koonfurta Soomaaliya iyo kooxda argagixisada ah ee Al-Shabaab.
Xassan Shiikh oo horjooge u ah maamulka waqtigiisu idlaaday ee Muqdisho, ayaa maalmo kahor safar degdeg ah ku tagay caasimadda dalka Ugandha ee Kampala, isagoo kula kulmay Madaxweyne Museveni oo kala hadlay in la hakiyo bixitaanka ciidamada Ugandha, balse Yoweri ayaa u sheegay Xassan Shiikh in aysan Ugandha sii sugi karin Amniga Muqdisho, haddii ay sii joogaan ciidamadooda saldhigyadooda gobolka Shabeellaha hoose ay sababi karto weeraro halis galinaya amniga ciidamadooda.
Madaxweyne Museveni ayaa inta uu kulanku socday ku eedeeyay Xassan Shiikh in uu ka shaqeeya burburinta dowlad dhiska Soomaaliya iyo nidaamkii heshiiska lagu ahaa, taasna abuurtay kala tag Soomaalida dhexdooda ah, fursadna siisay kooxaha argagixisada ah oo iyagu hadda diyaarinaya qorshaha la wareegitaanka Muqdisho.
Go’aanka Ugandha ciidamadeeda ugala baxayso gobolka Shabeellaha hoose ayaa durbaba ka abuuray magaalada Muqdisho walaac xooggan, waxaana dadka ganacsatada ah iyo siyaasiyiintu bilaabeen in qoysaskooda kala baxaan magaalada,
IDILNEWS