Shirka Golaha Wasiirada oo uu Shir-guddoomiyey Madaxweynaha Dowladda Puntland H.E Said Abdullahi Deni, oo uu weheliyo Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland H.E Ilyas Osman Lugatoor ayaa xalay lagu ansixiyey Miisaaniyadda Dowladda Puntland ee sanadka 2027.
Golaha waxaa lagu soo bandhigay warbixinta Miisaaniyadda ee Wasaaradda Maaliyadda, iyo warbixino dheeraad ah oo ay soo jeediyeen Guddiyadii farsamo ee dib-u-eegay kobcinta dakhliga iyo maareynta kharashaadka.
Dood iyo falanqeyn kadib Golaha Wasiirada ayaa ansixiyey Miisaaniyadda Dowladda ee sanadka 2027, oo ay Golaha horkeentay Wasaaradda Maaliyadda, taasi oo dhan $308,213,973 (Saddex Boqol iyo Sideed Milyan, Labo boqol saddex iyo toban kun, Sagaal boqol todobaadan Saddex Doollar), Miisaaniyadda ayaa ka kooban Dakhliga gudaha iyo Mashaariicda socda, ma jirto wax xuquuqaad ah oo dhimis lagu sameeyay, waxaana miisaaniyadda lagu dhisay qorshaha kor u qaadista dakhliga iyo maareynta saameynta dhaqaale ee Colaadaha bariga dhexe.
IDILNEWS
