Ilhan Omar ayaa mar kale ku guuleysatay kursiga Aqalka Congress-ka Mareykanka ee deegaanka 5aad ee Minnesota.
Doorashada labada Aqal ee Mareykanka ayay Ilhan Omar guul weyn ka gaartay Ninka la tartamayay ee John Nagel, oo matalayay xisbiga Jamhuuriga.
Ilhan oo asal ahaan kasoo jeeda deegaanada Puntland ee Soomaaliya, uuna si weyn u beegsaday 2 sano ee lasoo dhaafay Madaxweyne Donald Trump, ayaa heshay 77% codadka la dhiibtay. Waanna markii 5aad ee loo doorto kursiga tan iyo sannadkii 2019.
IDILNEWS
