Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Ninkii la xirnaan jiray Nelson Mandela, oo geeriyooday
    Somalia

    Ninkii la xirnaan jiray Nelson Mandela, oo geeriyooday

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyMarch 28, 2017No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Magaalada Johannesburg ee dalka Koonfur Afrika waxa ku geeriyooday Ahmed Kathrada oo ka mid ahaa shaqsiyaadkii u soo halgamay in dalka laga saaro xukunkii midab takoorka.

    Waxa uu xiriir dhow la lahaa madaxweynihii hore ee dalkaasi Nelson Mandela, kaasi oo ay muddo 18 sano ah ku wada xirnayeen xabsiga Robben Island.

    Markii xabsiga laga sii daayay, waxa uu ka mid noqday golaha fulinta ee xisbiga African National Congress, waxaana loo magacaabay in uu noqdo la taliyaha dhinaca siyaasadda ee Mandela.

    Waxa uu ka fariistay baarlamaanka sanadkii 1999, balse weli wuxuu si firfircoon uga dhex muuqday siyaasadda. Dhawaan waxa uu cambaareeyey dadkii doonayey in uu is casilo madaxweyne Jacob Zuma.

    TAARIIKH NOLOLEEDKIISII OO KOOBAN

    Waxa loogu yeeray jiray magaca Kathy. Axmed Kathrada waxa uu ahaa shaqsi ay aad isugu dhawaayeen madaxweynihii hore, Nelson Mandela. Sidoo kale waxa uu ahaa shaqsi u ololeeyn jiray xuquuqda aadanaha.

    Si la mid ah Mandela, 27 sano ayuu ku qaatay xabsi, waxaana loo xiray halgankii ay ugu jireen in ay meesha ka saaraan xukunkii ay hormuudka ka ahaayeen dadkii caddaanka ahaa ee tirada yaraa.

    Waxa la xukumay 1963-kii, ka dib dacwo caan noqotay oo loo baxshay maxkamadeyntii Rivonia. Waxa uu ku dhashay gobolka waqooyiga galbeed oo la oran jiray Transvaal.

    Markii uu 12 jirsaday waxa uu ku biiray oo xubin ka noqday dalladii da’yarta ay ku midowday ee Young Communist League, ka dibna waxa uu ku biiray xisbi la oran jiray Transvaal Indian Congress.

    Waxa uu qaatay shahaadadiisii kowaad ee jaamacadda intii uu ku xirnaa xabsiyada Robben Island iyo Pollsmoor, waxaana uu bartay culuumta taariikhda, siyaasadda Afrika iyo takhasuska dambi baarista. Hase yeeshee maamulkii midab takoorka ayaa ka hor istaagay in uu sii wato waxbarashadiisa.

    2013-kii waxa uu fursad u helay in madaxweynihii hore ee Maraykanka Barack Obama uu tuso qolkii uu ku xirnaa xabsigii Robben island, waxa uuna ku yiri “17 sano iyo bar ayaan qolkaan ku xirnaa. Waxaan waayey caruurtaydii”.

    Waxaa aad loo xasuustaa khudbaddii uu jeediyey markii uu dhintay Nelson Mandela Disembar 2013-kii. Waxa uu yiri “waxaan lumiyey walaal, nolosheydu waa ay marantahay, mana aqaano cid aan weheshado”. Da’diisu waxay ahayd 87 sano.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    The Intricate Web of Power: Djibouti’s Influence, Somali Governance, and Allegations of Corruption

    November 9, 2025

    Maxay Maraykanka uga dhigan tahay udoorashada Duqa New York Mamdani?

    November 9, 2025

    Isdhaafsiga ganacsi ka dhexeeya Somaliya iyo Imaaraadka Carabta?

    November 9, 2025
    Latest Posts

    African Union Commission Welcomes South Africa as G20 Chair and Host.

    The Intricate Web of Power: Djibouti’s Influence, Somali Governance, and Allegations of Corruption

    Maxay Maraykanka uga dhigan tahay udoorashada Duqa New York Mamdani?

    Isdhaafsiga ganacsi ka dhexeeya Somaliya iyo Imaaraadka Carabta?

    Faallo:-Dhibaatada laga dhaxlay Hubka Jimcaale iyo talada Aaran-jaan?

    Maxaa ka jira dacaayadaha laga sameeyo diyaaraadaha taageera Ciidamada PL?

    Faallo:-Loolanka Quwadaha Ee Geeska Afrika iyo doorka Puntland?

    Exclusive: Somali ISIS Leader Allegedly Moved to Qatar as Investigations Probe Secret Transfer Mogadishu,Somalia

    Djibouti at a Crossroads: The presidential transition crisis ahead of April 2026 elections

    U.S–Sudan Relations,By U.S. Embassy in Khartoum

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.