Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»M/weyne Farmaajo maxaa ka hortaagan in uu tago Gobalada Abaarta ka jirto…WQ.Maxamed caalim
    Somalia

    M/weyne Farmaajo maxaa ka hortaagan in uu tago Gobalada Abaarta ka jirto…WQ.Maxamed caalim

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyMarch 28, 2017No Comments3 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Waxaa safardibada ah ku baxay Madaxweyanaha Dalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo wuxuu Magaalada Cummaan Ee Dalka Jordan uga qeyb galayaa Shir Madaxeedka Wadamada Jaamacadda Carabta.

    Xoghayaha guud ee Jaamacadda Carabta ayaa warbaahinta caalamka u sheegay shirka beri ka furmaya Magaalada Cammaan in si weyn dhaqaalo loogu aruurin doono Abaaraha haysta shacabka soomaaliyeed.

    Shirka madaxda Carabta waxaa sanadkan ka qeyb galaya laba Boqortooyo ee ugu waa weyn Dawladaha suniga waa boqorka dalka Moroco boqor Maxamed iyo boqorka dalka Sacuudiga. boqor salman

    Waxaa kaloo shirkan ka qeyb galaya madaxda wadamada carabta intooda suniga ah ee dareensan Qatarta ku wareegsen ee dawlada iran oo taageerta xukumadaha ciraq .siriya yamen.

    ururka jaamacada carabta ayaa isku badalay mid ay isku haystaan dawladaha carabta ah ee suniga iyo shiicada kala ah.

    Waxay waqtigan Dawlada soomaaliya u taageerayaan wadamada carabta kuwa suniga ah Iyagoo u arka in shacabka soomaaliyeed yahay wadan suni wadamada jordan sacudiga kuwayt masar imaaraadka dhawaan waxay si xoog ah uga qayb qaadanayaa Quudinta dadka abaaraha soomaaliya ku dhibaateysan.

    Xaqiiqda jirta waxay Shacabka soomaaliyeed aad u dhibsadey Safarada isku xiga ee madaxdii dalka soomartay dibada ku aadi jireen iyadoo dhibaato badan wadanka taal.

    Madaxweynayaasha soomaaliya kuwii ugu danbeeyey waxaa aad u tiro badnaa qaalina ahaa safarada ay dibada ku tagijireen safaradaa wax macna lehna kuma soo kordhin jirin xallinta mushkiladaha Soomaaliya iyo wax ka qabashada dhibaatada dadka Soomaaliyeed gudihiisa. Ka jirta.

    Su’aashu Falanqeyntu Madaxweyne Farmaajo safarka dalka gudihiisa Goormuu bilaabidoonaa?

    Waa safarkii sadexaad ee Madaxweyne Maxamed C/llaahi Maxamed Farmaajo uu safro intii la doortay maxadweynaha.

    wuxuu hore u tagey sacuudiga . Kenya iyo hada uu tagay wadanka urdun anigu waxaa aamin sanahay inaaney muhiim ahay in madaxweynuhu shirkasta oo caalami ah tago. Dhabaan maxda Dastuuriga ah way matali karaan Dawlada soomaaliya Shirka caalamiga ah.

    Waxaa jira Abaaraha ku dhuftay Soomaliya oo dhan waxay saameen ku yesheen nolosha kumanaan qof, kuwaasi oo haatan ku nool qeybo ka mid ah Gobolada Dalka Soomaaliya.

    Dadkaas oo dhan waxay maqleen in wadanka madaxweyne cusub yimid waa waajib Qaran in intii uu awoodo uu booqdo madaxweynuhu.

    Dad badan ayaa waxay aamin san yihiin in madaxda Qaranka hogaamisa waqti lasiiyo arinkaa sax maaha shaqada hogaan dal waqti la sugo malaha wax walba waa in loo kala qaada maxaa ugu muhiim san.

    waxaan falanqeyn u soo qaadanayaa maamulka Dawlad gobaleedka galmudug waa meel shacab soomaaliyeed dhisteen waqtigan hada la joogo wuxuu ku jiraa xaalad adag oo doorasho ku soo foodleeyihiin waxay Madaxweynaha cusub ee Faderaalka uga baahan yihiin Qorshe Guud oo dhaqaale iyo midsiyaasadeed lagu Taageero .

    Markaa waxaan ii muuqata in madaxweynahu Farmaajo si dhaqso ah u booqo deegaankaas oo kale. Si uu u Taageero Hanaanka Doorashooyinka.

    Inaan arinkan Ka Falanqeeyo waa wax muhiima oo dadku is way diinayaan madaxweynahu shaqadiisa maxay tahay waa in uu dhiiri galiyaa sidii shacabka ay u wada dareemi lahaayeen in uu yahay Madaxweynahoodii.

    Marka lagu guulaysto degenaan shaha siyaasada gudaha waxay muraayad u tahay siyaasada arimada dibada.

    Waan ogahay in amniga madaxweynahu waa muhiim hadana madaxweynaha wuxuu haystaa awood u kutagi karo meesha uu doono hadii ilahay u sahlo.

    Waxaa muhiim ah inaan saxaafada ka aragno muqaal madaxweynihii oo booqanaya Gobalada dalka oo shacabkiisi la jooga goorkasta kala qeyb qaadanaya waqtiga adag iyo waqtiga farxadaleh xafiiskii madaxtooyada ka hawl galaya meelkasta oo somaliya ka mida Rajada aan sugaynaa waataa xubnaha Gollaha shacabka iyo kuma xukumada oo booqankara Gobaladii laga soo Doortey.

    Colaada waxaa laaga bixi karaa markan ogolaano in helida Nabada in loo dhinto
    Qofka xilka Qaadey isagaa laga doonayaa inuu xalinta wadanka inuu naftiis a u hibeeyo.
    Qore: maxamed caalim

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Baaq ku socda Kufsi wadareedka ka dhacay LC.

    June 17, 2025

    Shirka Bangiyada iyo Maaliyada Puntland oo soo xirmay

    June 17, 2025

    Trump oo ku doodaya Ruushka in lagu daro G-7

    June 17, 2025
    Latest Posts

    Baaq ku socda Kufsi wadareedka ka dhacay LC.

    Shirka Bangiyada iyo Maaliyada Puntland oo soo xirmay

    Trump oo ku doodaya Ruushka in lagu daro G-7

    Wararkii ugu danbeeyay dagaalka Iran iyo Israa’iil?

    Faallo:-Maxaa dhacaya hadii Maraykanku ku biiro dagaalka Iran?

    Update:-Dagaalka Iran iyo Israa’iil

    Shirweynaha Bangiyada iyo Maaliyada oo Garowe ka furmay

    Wararkii ugu danbeeyay dagaalka Iran iyo Israa’iil

    Doonyo laga shakiyay oo lagu qabtay Bender-beyla

    Wararkii ugu danbeeyay ee dagaalka Iran iyo Israa’iil

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.