Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Video:-Madaxweyne Gaas oo xariga ka jaray masaajidka Madaxtooyada Puntland
    Somalia

    Video:-Madaxweyne Gaas oo xariga ka jaray masaajidka Madaxtooyada Puntland

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyMarch 31, 2017No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo jimce ah 31 March 2017 xadhiga ka jaray masaajid cusub oo laga hirgeliyey gudaha Madaxtooyada Garoowe.

    Masaajidka laga hirgeliyey Madaxtooyada Daawlada Puntland ayaa waxaa loo bixiyey masjidu Shuhadaa, kadib markii loogu magacdaray dadkii shuhadada ahaa ee ku dhintay iyagoo waajibaad kooda shaqo gudanaya,  ha ahaadeen ciidamada qalabka sida iyo in alaale iyo intii kale ee u nafweydey ilaalinta shacabka iyo dhulka Puntland.

    Xadhiga jarka Masaajidka ayaa waxaa Madaxweynaha ku wehelinaayey Madaxweyne ku xigeenka dawladda Puntland Egn. Cabdixakiin Xaaji Cabdulaahi Cumey, Masuuliyiin katirsan goloyaasha dawladda Puntland, saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Garoowe, culimo iyo wax garadka kale.

    Madaxweynaha Dawladda Punland ayaa ugu horayn mahad u soo jeediyey cid walba oo gacan ka geysatey kana qayb qaadatay dhismaha Masjidu Shuhadaa, gaar ahaan Shiikh Cabdiqani Qorani oo ahaa farsama yaqaankii nashqadeeyey dhisay masaajidka, waxaana uu Illahay uga baryey in uu denbigooda dhaafo, khayrka ay u horseedeen shacab koodana Alle ku abaalmariyo.

    Sidoo kale waxa uu Madaxweynuhu kula dardaarmay  isla markaana ku booriyey shaqaalaha Madaxtooyada Garoowe inay masuuliyad gaara iska saaraan kawarhaynta masaajidka iyo sidoo kale dayacrtirkiisa, taas oo ay micnaheedu tahay in la’ilaaliyo nadaafadiisa, qurxintiisa iyo camiridiisa xiliyada salaadaha, waxaana uu Madaxweyuhu sheegay inuu horsed u noqondoono imaatinka masaajidka.

    ‘’Masaajidka gacan ku hayntiisa, nadaafadiisa, ilaalintiisa iyo ka warqabkiisa intuba Madaxtooyada ayay saran tahay, ujeedada loo dhisayna waa iyaga, inta ugu badan oo ku cibaadaysanaysaana waa inta gudaha madaxtooyada ku jirta,  markaa waxaa laydin ka rabaa inaad xilgaara iska saartaan ilaalinta, quruxda iyo sharafta masaajidka’’ ayuu yiri madaxweynaha dawladda Puntland.

    Madaxweyne ku xigeenka Dawladda Puntland Eng. Cabdixakiin Xaaji Cabdulaahi Cumar Camey ayaa isna dhankiis kula dardaarmay cidwalba oo ay masuuliyadi ka saran tahay ilaalinta masaajidka inay masuuliyad iska saraaan, isla markaana aanay u ogolaan in ay waxyeelo soo gaadho masaajidka ilaa ay wax ku siyaadiyaan mooyaayne, waxaana uu illahay uga baryey inuu u denbi dhaafo ajarkeedana siiyo intii ka qayb qaadatay dhismaha maasjidka.

    Ugu danbayn, Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa Alle u waydiiyey ummadiisa inuu kasaaro abaarta, isla markaana uu Alle ugu bedele raxmadiisa.

    –DHAMMAAD—

    XAFIISKA, WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

     

     

     

     

    https://youtu.be/65YExaH_OlA

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    The Intricate Web of Power: Djibouti’s Influence, Somali Governance, and Allegations of Corruption

    November 9, 2025

    Maxay Maraykanka uga dhigan tahay udoorashada Duqa New York Mamdani?

    November 9, 2025

    Isdhaafsiga ganacsi ka dhexeeya Somaliya iyo Imaaraadka Carabta?

    November 9, 2025
    Latest Posts

    African Union Commission Welcomes South Africa as G20 Chair and Host.

    The Intricate Web of Power: Djibouti’s Influence, Somali Governance, and Allegations of Corruption

    Maxay Maraykanka uga dhigan tahay udoorashada Duqa New York Mamdani?

    Isdhaafsiga ganacsi ka dhexeeya Somaliya iyo Imaaraadka Carabta?

    Faallo:-Dhibaatada laga dhaxlay Hubka Jimcaale iyo talada Aaran-jaan?

    Maxaa ka jira dacaayadaha laga sameeyo diyaaraadaha taageera Ciidamada PL?

    Faallo:-Loolanka Quwadaha Ee Geeska Afrika iyo doorka Puntland?

    Exclusive: Somali ISIS Leader Allegedly Moved to Qatar as Investigations Probe Secret Transfer Mogadishu,Somalia

    Djibouti at a Crossroads: The presidential transition crisis ahead of April 2026 elections

    U.S–Sudan Relations,By U.S. Embassy in Khartoum

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.