Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Sawiro:-Maxamed Cumar Carte oo maanta xilkii wareejiyay
    Somalia

    Sawiro:-Maxamed Cumar Carte oo maanta xilkii wareejiyay

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyApril 8, 2017No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Faderaalka ah ee Soomaaliya  Abuukaate Mahdi Maxamed Guuleed ayaa maanta xilkii kala wareegay Ra’iisul Wasaare ku xigeenkii hore Maxamed Cumar Carteh Qaalib, kadib munaasabad ka dhacday xarunta Madaxtooyada.

     

    Carte ayaa u mahadceliyey dhammaan madaxdii dawladdii hore iyo Shaqaalaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, wuxuna sidoo kale tilmaamay in mudadii labada sano ahayd ee shaqada uu Qaranka u hayay qabsoomeen howlo aad u badan isla markaana loo baahan yahay in horey loo sii ambaqaado.

     

     

    Ra’iisul Wasaare ku xigeenkii hore ayaa Intaa Kadib ku wareejiyey Ra’iisul wasaare ku xigeenka cusub Xilka, isagoo u rajeeyey inuu ku guulaysan doono howlaha horyaala maadaama uu yahay nin khibrad iyo aqoon dheeraad ah u leh arrimaha Soomaaliya ka jira.

    Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Cusub Mahdi Maxamed Guuleed ayaa xil wareejinta kadib, u mahadceliyey masuulkii xilka uga horeeyey, wuxuna kula dar-daarmay shacabka Soomaaliya iyo guud ahaan hay’addaha dawladdu in gacan buuxda lagu siiyo sidii uu waajibaadkiisa shaqo u gudan lahaa.

    “Anigoo kalsooni buuxda ku qaba Mudane Maxamed Cumar waan ku faraxsanahay in wixii la soo qabtay wax ka fiican uu Ilaahay ka rajaynayo inuu dalka ka qabto, iyadoo taasna noo suurta galin doono waqtiga anagoo kaashanayna Dawladeena iyo shacabka Soomaaliyeed” ayuu yiri Abukate Mahdi.

     

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Imaaraadka oo uga digay Yurub xagjiriinta Islaamka

    January 11, 2026

    Maraykanka oo duqaymo isdaba joog ah ka fuliyay Buuraha Calmiskad

    January 11, 2026

    Villa Somaliya awood ma uleedahay in ay Ciidamo ka hawlgiso gudaha dhulka PL?

    January 10, 2026
    Latest Posts

    Imaaraadka oo uga digay Yurub xagjiriinta Islaamka

    Maraykanka oo duqaymo isdaba joog ah ka fuliyay Buuraha Calmiskad

    Villa Somaliya awood ma uleedahay in ay Ciidamo ka hawlgiso gudaha dhulka PL?

    2025 oo noqday Sanadkii xaqiijinta Amniga Puntland.

    Faallo:-Xiriirka Sacuudiga iyo Imaaraadka keebaa uleh muhiimad PL?

    Faallo:-Villa Somaliya maka saari kartaa Dalka Dowlada Imaaraadka?

    Villa Somaliya oo ku cadaadinaysa Shiinaha in uu Wasiirka Arimaha dibada yimaado.

    Faallo:-Maxaa sababay baaqashada Wasiirka Shiinaha Ee Muqdisho?

    Faallo:-Khudbada Madaxweyne Xasan Shiikh Ee Caawa?

    Maraykanka oo ka baxay xubinimada hay’ado fara badan oo caalamiya

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.