Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Video:-Shirweynihii Deegaanka Puntland oo Garowe lagu soo gabagabeeyay
    Somalia

    Video:-Shirweynihii Deegaanka Puntland oo Garowe lagu soo gabagabeeyay

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyApril 9, 2017No Comments5 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    War murtiyeedka Shirweynihii 2aad ee Deegaanka

    Puntland (Conference Communique)

    Garowe                                                                                   9th April, 2017

    Shirweyanahii 2aad ee Deegaanka Puntland ayaa wuxuu ka dhacay Jaamacadda Puntland State University (PSU) ee magaalada Garoowe intii u dhaxaysay 8-9, April 2017. Shirkaas ayaa waxaa soo qabanqaabisey Wasaaradda Deegaanka oo gacan ka helaysa mashruuca “Deegaankaagu waa Noloshaada” oo ay fuliyaan hay’adaha CARE iyo ADESO uuna maalgeliyo Midowga Yurub.

    Shirweynaha waxaa ka soo qayb galay Madaxweyne Ku xigeenka Dowladda Puntland ahna kusimaha Madaxweynaha, Guddoomiye ku xigeenka Golaha Shacabka ahna ku simaha Guddoomiyaha Golaha Shacabka Puntlnad, Xildhibaanno ka tirsan Golaha Shacabka, Wasiirada Wasaaradaha Caafimaadka, Waxbarashada, Caddaaladda, Haweenka iyo Qoyska, Kaluumaysiga, Howlaha Guud iyo Guriyeynta, iyo Dastuurka iyo Arrimaha Federalka, Guddoomiyeyaasha 9-ka Gobo lee Puntland, Agaasimayaasha guud ee Caddaaladda, Arrimaha Gudaha, Agaasimaha Qurba-joogta Puntland, Guddoomiyeyaasha Degmooyinka Eyl, Jariiban, Bayla, Baargaal, Burtinle, Dhahar, Iskushuban, Baran, Qardho, Rako, Galdogob, Taleex, Madaxda Wasaaradda Deegaanka ee ka howlgala Xafiisyada Wasaaradda Deegaanka ee heer Gobol iyo heer Degmo, masuuliyiin matalaysay bulshada rayidka Puntland iyo Bahda Tacliinta Sare iyo cilmi baarista Puntland.  Shirweynaha waxaa si rasmi ah u furay Madaxweyne ku xigeenka Dowladda Puntland, waxaana looga gol-lahaa ujeedooyinka soo socda:

    •  In la curiyo wada xaajoodyo  kudhisan is fahan dhexmara daneeyayaasha ay ka dhaxayso  ilaalinta iyo dhawrista  Khayraadka dabiiciga ah ee Puntland.
    • In la iftiimiyo xaaladda dhabta ah ee ka jira deegaanka Puntland iyadoo  lala xiriirinayo hab nololeedka bulsho waynta Puntland
    • Soo bandhigidda xaaladda abaareed  ee Puntland iyo soo jeedinta hababka loo maarayn  karo saamaynta abaaraha iyo isbadalka cimiladu ku yeesheen deegaanka Puntland.
    • Baahinta iyo faafinta guulihii laga gaaray iyo casharadii laga bartay mashruuca badbaadinta khayraadka dabiiciga ah.

    Guud ahaan Shirweynaha waxaa lagu falan qeeyey laguna soo bandhigay arimaha soo socda:

    1. Dhaqan gelinta shuruucda iyo siyaasadaha ilaalinta deegaanka
    2. Isbedelka cimilada, la tacaalida, la qabsiga abaaraha iyo ka faa’iidaysiga biyaha roobka
    3. Dhowrista,  ilaalinta iyo horumarinta dhuldaaqsimeedka iyo duur joogta
    4. Doorka bulshadu ay ku leedahay maaraynta khayraadka dabiiciga ah
    5. In la helo  ilo tamareed badiil u noqon kara gubidda Dhuxusha.

    Waxaa kaloo mudadii uu socday shirweynuhu la soo bandhigay waxqabadkii Wasaaradda deegaanka ee ku aadanaa la tacaalida dhibaatooyinka deegaanka oo ay ka mid yihiin ka faa’iidaysiga biyaha roobka iyo in dalka laga hirgaliyo biyo xireeno iyo biyo qabatinno loo baxsado xiliyadda abaaraha isla markaana loo yareeyo saamaynta isbedelada cimilada ay ku yeelatay dalkeena. Waxaa sidoo kale shirweynaha lagu soo bandhigay siyaasadaha iyo sharciyada deegaanka, iyo dib u soo nooleynta dhul daaqsimeedka, maamul baahinta iyo kobcinta kartida Wasaaradda Deegaanka.

    Gabagabadii shirka ayaa waxaa la isku raacay qodobadaan soo socda:

    1. In Wasaaradda deegaanku ay dar-dar geliso ka faa’iidaysiga biyaha roobka isla markaasna ay ka hirgaliso gobolada Puntland oo dhan biya xireeno sidoo kalena ay horumariso farsamooyinka casriga ah ee ka faa’iidaysiga biyaha roobka ee badda ku shubmaya mar kasta oo roob da’o.
    1. Waxaa la isku raacay in dowladda iyo Shacabweynaha reer Puntland ay si wadajir ah isaga kaashadaan wax ka qabashada xaalufka Deegaanka iyo dhowrista dhul daaqsimeedka. Sidoo kale in wasaaradda Deegaanku ay kordhiso howlaha la dagaalanka xaalufka isla markaasna ka hirgeliso Gobolada dalka oo dhan biyo weecinno iyo biyo hakisyo si ay uga qaybqaataan dib u soo noolaynta dhul daaqsimeedka.
    1. Waxaa la isku raacay in si wadajir ah loo fuliyo shuruucda iyo siyaasadaha lagu ilaalinayo Deegaanka, isla markaana ay Dowladda dhexe kordhiso qoondada miisaniyadeed ee Wasaaradda Deegaanka si ay wax uga qabato howlaha Ilaalinta Deegaanka.
    1. In kor loo qaado wacyigelinta bulshada reer Puntland, lana hirgaliyo “Ololaha TABLIIQA DEEGAANKA”,  sidoo kalena bulshada laga taageero xaga tababarada ilaalinta Deegaanka si ay qayb libaax uga qaataan ka faa’iidaysiga khayraadkeena dabiiciga ah iyo ilaalina deegaanka.
    1. In la horumariyo ilo tamareedyada badiilka ah (alternative energy) si looga maarmo dhuxusha.
    1. Waxaa Shirweynuhu bogaadiyey guud ahaan wax qabadkii Wasaaradda gaar ahaanna guulihii laga gaaray mashruuca “Deegaanku waa noloshaada” ee ay maalgelisay Midowga Yurub.
    1. Wuxuu shirweynuhu aad ugu riyaaqay una soo dhaweeyey  waxqabadka Wasaaradda ee ku aadan ka faa’iidaysiga biyaha roobka iyo dhisidda Biyo- xireenada, taas oo laf dhabar u ah nolosha reer miyiga iyo u adkeysiga saamaynta abaaraha iyo isbedelka cimilada.
    1. Waxaa la isla qaatay in dhammaan laamaha sharci fulinta ee Dawladda Puntland ay dhaqangeliyaan xeerarka iyo siyaasadaha ay Wasaaradda Deegaanku sameysay.
    1. Waa la isku raacay in muhiimad gaar ah la siiyo ilaalinta iyo dhowrista xeebaha iyo khayraadka badaha Puntland.
    1. Waxaa mahad cellin weyn loo soo jeediyey Deeq bixiyaha Midowga Yurub oo taageero dhaqaalle oo weyn u fidiyey Puntland xaga Degaanka iyo weliba dhisidda Wasaaradda Degaanka. Waxaa sidoo kale mahadcellin ballaaran loo soo jeediyey UNDP/GEF, World Bank iyo hay’adaha caalamiga ah sida CARE International iyo ADESO kuwaas oo Wasaaradda Deegaanka kala shaqeeyey howlaha  dib u noolaynta Degaanka Puntland iyo kor u qaadida awoodda Wasaaradda Deegaanka,hoos ka daawo muuqaalka-.

     

     

     

    Halkan ka daawo muuqaalka

    https://youtu.be/8gh9SwLELR0

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Baaq ku socda Kufsi wadareedka ka dhacay LC.

    June 17, 2025

    Shirka Bangiyada iyo Maaliyada Puntland oo soo xirmay

    June 17, 2025

    Trump oo ku doodaya Ruushka in lagu daro G-7

    June 17, 2025
    Latest Posts

    Baaq ku socda Kufsi wadareedka ka dhacay LC.

    Shirka Bangiyada iyo Maaliyada Puntland oo soo xirmay

    Trump oo ku doodaya Ruushka in lagu daro G-7

    Wararkii ugu danbeeyay dagaalka Iran iyo Israa’iil?

    Faallo:-Maxaa dhacaya hadii Maraykanku ku biiro dagaalka Iran?

    Update:-Dagaalka Iran iyo Israa’iil

    Shirweynaha Bangiyada iyo Maaliyada oo Garowe ka furmay

    Wararkii ugu danbeeyay dagaalka Iran iyo Israa’iil

    Doonyo laga shakiyay oo lagu qabtay Bender-beyla

    Wararkii ugu danbeeyay ee dagaalka Iran iyo Israa’iil

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.