Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Video:-Wasiirka arimaha gudaha Hir-shabele oo amar bixiyay iyo banaanbaxyo looga soo horjeedo oo socda
    Somalia

    Video:-Wasiirka arimaha gudaha Hir-shabele oo amar bixiyay iyo banaanbaxyo looga soo horjeedo oo socda

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyApril 19, 2017Updated:April 19, 2017No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Banaan bax looga soo horjeedo Wasiirka Arrimaha Gudaha Hirshabeelle iyo Xariga Agaasimaha Isbitaalka Intersos ayaa saaka ka socda magaalada Jowhar, iyadoo dadweyne careysan ay taayaro ku gubeen agagaarka xarunta maamulka Hirshabelle.

    Banaan baxan ayaa ka dambeeyay, kaddib amar ka soo baxay Wasiirka Arrimaha Gudaha, kaasoo ahaa in laga guuro Isbitaalka Jowhar ee ay gacanta ku heyso Hey’adda Intersos, si dhismaha uu xafiisyo ugu noqdo Wasiirada tirada badan ee Hirshabeelle, kuwaasoo aan heysan xafiis iyo deegaan midna.

    Qaar ka mid ah dadweynihii isugu soo baxay ayaa sheegay inay ka soo horjeedaan Tallaabada Wasiirka uu qaaday iyo xariga Agaasimaha Isbitaalka Jowhar Xasan Mahad.

    Dadweynaha ayaa ku qeylinayay erayo ka dhan ah Wasiirka Arrimaha Gudaha Hirshabeelle, iyagoo sheegaya in aanu ka war heyn xaalada gobolka iyo marxalada ay ku sugan yihiin dadka ku nool Shabeellaha Dhexe.

    Qeybaha kala duwan ee Bulshada ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay amarka Wasiirka ee uu ku aadan in laga guuro Isbitaalka kaliya ee adeega caafimaad u haaya dadka ku nool Gobolka, isla markaana Wasiirka aanu waxba kala socon xaalada gobolka, labaatankii sano ee la soo dhaafay dibad joog ahaa.

    Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay Madaxweynaha iyo Madaxweyne kuxigeenka Hirshabeelle, iyadoo tallaabadan uu qaaday Wasiirka Arrimaha gudaha ay suura gelin karto in dadka reer Jowhar ay kalsoonida kala laabtaan Maamulka, maadaama markii hore ay dadweynaha cabasho ka qabeen in dadkii la yaqiin ee reer jowharka ahaa aan loo soo magacaabin xilalka Wasiirada, isla markaana dadka ugu badan ee Wasiirada laga dhigay ay yihiin kuwo meelo ka baxsan Gobolka ka yimid, oo qabiil ahaan xilal ku helay,hoos ka daawo muuqaalka.

     

     

     

     

    Halkan ka daawo muuqaalka

     

     

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Baaq ku socda Kufsi wadareedka ka dhacay LC.

    June 17, 2025

    Shirka Bangiyada iyo Maaliyada Puntland oo soo xirmay

    June 17, 2025

    Trump oo ku doodaya Ruushka in lagu daro G-7

    June 17, 2025
    Latest Posts

    Baaq ku socda Kufsi wadareedka ka dhacay LC.

    Shirka Bangiyada iyo Maaliyada Puntland oo soo xirmay

    Trump oo ku doodaya Ruushka in lagu daro G-7

    Wararkii ugu danbeeyay dagaalka Iran iyo Israa’iil?

    Faallo:-Maxaa dhacaya hadii Maraykanku ku biiro dagaalka Iran?

    Update:-Dagaalka Iran iyo Israa’iil

    Shirweynaha Bangiyada iyo Maaliyada oo Garowe ka furmay

    Wararkii ugu danbeeyay dagaalka Iran iyo Israa’iil

    Doonyo laga shakiyay oo lagu qabtay Bender-beyla

    Wararkii ugu danbeeyay ee dagaalka Iran iyo Israa’iil

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.