Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Diyaarado dagaal oo xalay dukhayn ka geystay Gobolka Gedo
    Somalia

    Diyaarado dagaal oo xalay dukhayn ka geystay Gobolka Gedo

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyApril 20, 2017No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link
    Diyaarado dagaal ayaa lagu soo waramayaa in xalay duqeyn ay ka geysteen degmada Ceel-waaq ee Gobolka Gado ee koonfurta Soomaaliya.
     
    Ugu yaraan saddex ruux ayaa la sheegay in duqeynta ay ku dhinteen.
     
    Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in diyaaradaha duqeynta fuliyay ay ahaayeen kuwa dowladda Kenya.
     
    Duqeynta ayaa si gaar ah loola beegsaday tuulooyinka Garilay iyo Daarul-salaam oo hoostaga Degmada Ceel-waaq ee Gobalka Gado.
     
    Lama shaacin khasaaraha ka dhashay duqeynta, mana jiraan war kasoo baxay wadamada laga leeyahay diyaaradaha duqeynta fuliyay.
     
    18-kii bishan, April, Taliska howlgalka Mareykanka ee Qaarada Africa ayaa sheegay in aysan duqeyn ka fulinin diyaarada militeriga Mareykanka koonfurta Soomaaliya 14-kii bishan April.
     
    Warbaahinta qaar ayaa wariyay in Mareykanka duqeyn ka dhacday Gobolka Gedo uu ku dilay dagaalyahano ka tirsanaa Al Shabaab.
     
    “Militeriga Mareykanka ma fulin duqeyn ka dhacday koonfur-galbeed Soomaaliya 14-kii bishan, taas oo warbaahinta ay warisay”, sidaasi waxaa lagu yiri war kasoo baxay howlgalka Mareykanka ee Qarada Africa the US Africa Command (AFRICOM).
     
    Dhinaca kale warka ka soo baxay taliska ayaa lagu sheegay in duqeyntii ugu dambeysay ee Mareykanka uu ka fuliyo Soomaaliya ay aheyd bishii January ee 2017.
     
    16-kii bishan April, Wakaaladda wararka dalka Shiinaha ee Xinhua, ayaa baahisay 100 dagaalame oo ka tirsanaa Al Shabaab in la aaminsanyahay in lagu dilay duqeyn ay diyaaradaha Mareykanka ka fuliyeen koonfurta Soomaaliya aroornimadii Sabtida.
     
    Duqeynta ayaa waxaa lagu beegsaday saldhigyo ay lahaayeen Al Shabaab oo ku yaalla deegannada Wargaduud iyo Ceel-Cadde ee Gobolka Gedo, halkaas oo bishii January ee sanadkii 2016 Al Shabaab ay ku dileen inkabadan 100 askari oo ciidanka dowladda Kenya ka tirsanaa.
    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Baaq ku socda Kufsi wadareedka ka dhacay LC.

    June 17, 2025

    Shirka Bangiyada iyo Maaliyada Puntland oo soo xirmay

    June 17, 2025

    Trump oo ku doodaya Ruushka in lagu daro G-7

    June 17, 2025
    Latest Posts

    Baaq ku socda Kufsi wadareedka ka dhacay LC.

    Shirka Bangiyada iyo Maaliyada Puntland oo soo xirmay

    Trump oo ku doodaya Ruushka in lagu daro G-7

    Wararkii ugu danbeeyay dagaalka Iran iyo Israa’iil?

    Faallo:-Maxaa dhacaya hadii Maraykanku ku biiro dagaalka Iran?

    Update:-Dagaalka Iran iyo Israa’iil

    Shirweynaha Bangiyada iyo Maaliyada oo Garowe ka furmay

    Wararkii ugu danbeeyay dagaalka Iran iyo Israa’iil

    Doonyo laga shakiyay oo lagu qabtay Bender-beyla

    Wararkii ugu danbeeyay ee dagaalka Iran iyo Israa’iil

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.