Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Video:-Shacabka iyo Dawlada imaaraadka Carabta oo si weyn uga gurmaday abaarta Somaliya ku dhufatay
    Somalia

    Video:-Shacabka iyo Dawlada imaaraadka Carabta oo si weyn uga gurmaday abaarta Somaliya ku dhufatay

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyApril 23, 2017No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Safiirka dalka Isutaga Imaaraadka Carabta (UAE) ee Soomaaliya Mudane Mohamed Al-Othman oo booqasho ku yimid xafiiska Wasiirka Warfaafinta ee Soomaaliya ayaa la kulmay Wasiir Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) oo ay ka wada hadleen arrimo fara badan.

     Wasiir Eng. Yarisow ayaa ugu horeyntii uga mahadceliyey safiirka booqashadiisa Wasaarada Warfaafinta, isagoo lagu soo wareejiyey xarunta SNTV iyo Keydka Raadiyo Muqdisho. Sidoo kale Eng. Yarisow ayaa safiirka uga mahadceliyey dadaalka dalka Imaaraadka ee ku aadan u gurmadka abaaraha oo Bisha Cas ee Imaaraadka ay maalmahan dalka gudihiisa ku qeybinayeen raashin gar-gaar ah oo la gaarsiiyey dadka abaarahu ay saameeyeen.
    Eng. Yarisow “Waxaan si gaar ah uga mahadceliyey shacabka iyo Dowlada Imaaraadka yaboohii ay Telefishinada dalka Imaaraadka ka sameeyeen maalintii Jimcaha 21kii April oo ay muddo lix saax ah ku ururiyeen lacag dhan 167 milyan UAE Dirham oo u dhiganta 45 milyan dollar. Tani waxey na tuseysaa in Imaaraadku ay yihiin wallaalo u naxay shacabka Soomaaliyeed oo si hagar la’aan ah u doonaya inay u garab istaagaan. SNTV waxuu ku guuleystay inuu si toos (live) ah yaboohaas ugu soo tabiyey shacabka Soomaaliyeed. “

    Wasiir Eng. Yarisow iyo Safiir Mohamed Al-Othman ayaa sidoo kale ka wada hadlay horumarinta warbaahinta dalka, gaar ahaan sidii suxufiyiinta Soomaaliyeed loo kordhin lahaa aqoontooda, xirfadooda iyo waayo-aragnimadooda,hoos ka daawo muuqaalka.

     

     

    Halkan ka daawo muuqaalka

     

     

     

    Halkan ka daawo muuqaalka barnaamijka gurmadka abaaraha

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Imaaraadka oo uga digay Yurub xagjiriinta Islaamka

    January 11, 2026

    Maraykanka oo duqaymo isdaba joog ah ka fuliyay Buuraha Calmiskad

    January 11, 2026

    Villa Somaliya awood ma uleedahay in ay Ciidamo ka hawlgiso gudaha dhulka PL?

    January 10, 2026
    Latest Posts

    Imaaraadka oo uga digay Yurub xagjiriinta Islaamka

    Maraykanka oo duqaymo isdaba joog ah ka fuliyay Buuraha Calmiskad

    Villa Somaliya awood ma uleedahay in ay Ciidamo ka hawlgiso gudaha dhulka PL?

    2025 oo noqday Sanadkii xaqiijinta Amniga Puntland.

    Faallo:-Xiriirka Sacuudiga iyo Imaaraadka keebaa uleh muhiimad PL?

    Faallo:-Villa Somaliya maka saari kartaa Dalka Dowlada Imaaraadka?

    Villa Somaliya oo ku cadaadinaysa Shiinaha in uu Wasiirka Arimaha dibada yimaado.

    Faallo:-Maxaa sababay baaqashada Wasiirka Shiinaha Ee Muqdisho?

    Faallo:-Khudbada Madaxweyne Xasan Shiikh Ee Caawa?

    Maraykanka oo ka baxay xubinimada hay’ado fara badan oo caalamiya

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.