Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Video:-Doorashadii Faransiiska oo ay iskugu soo hareen laba musharax
    Somalia

    Video:-Doorashadii Faransiiska oo ay iskugu soo hareen laba musharax

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyApril 24, 2017No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Emmanuel Macron oo siyaasaddiisu dhexdhexaad tahay iyo Marine Le Pen oo siyaasaddeedu midig fog tahay ayaa isugu soo haray wareegga ugu dambeeya ee doorashada madaxtinimada Faransiiska oo dhacaysa 7 bisha May, sida ay muujinayso natiijada wareegga koobaad oo inteeda badan la tiriyay.

    Iyadoo la tiriyay 96% ka mid ah codadkii la dhiibtay doorashaddii wareegga koobaad ee Axaddii dhacday ayaa Macron wuxuu helay 23.9% halka Le Pen ay ka heshay 21.4%.

    Aragti aruurrinnadii la sameeyay ayaa si joogto ah u muujinayay in Macron uu ku guulaysan doono wareegga labaad.

    Labadan murashax ee isu soo haray ayaa hardan adag la soo galay François Fillon oo siyaasaddiisu midig dhexe tahay iyo Jean-Luc Mélenchon.

    Qofkii doonaba ha ku guulaysto wareegga labaad ee codayntan ayaa xaqiijisay in dadku ay ka weecdeen xisbiyada siyaasaddoodu bidix iyo midig dhexe kala tahay oo in badan soo maamulayay Faransiiska.

    Inkastoo wakhti dheer loo arkayay in Le Pen ay kaalinta labaad ka gali doonto doorashada madaxtinimada, laakiin soo shaacbixidda Macron ayaa ahayd mid si dhakhso ah u dhacday.

    Weriyaha BBC Hugh Schofield oo doorashada Faransiiska ka soo warramaya ayaa sheegaya in waxa lagu sheekaysanayo ay tahay macquulnimada in Macron uu guulaysto.

    Macron oo la hadlaya dad aad ugu riyaaqsan ayaa u sheegay “Wejigii siyaasadda Faransiiska sanad ayaan ku badalnay” dadkana wuxuu ugu baaqay in ay ka soo horjeedsadaan wadaniyadda xagjirka ah.

    Marcon ayaa Wasiirka dhaqaalaha ka soo noqday xukuumadda hadda jirta ee uu hogaamiyo madaxwene Francois Hollande, wuuse iska casilay si uu u billaabo xisbi siyaasadeed oo cusub.

    Hadda ka hor weligii uma tartamin doorasho haddii uu guulaystana wuxuu noqon doonaa madaxweynihii ugu da’yaraa abid ee Faransiiska soo mara.

    Wuxuu taageersan yahay ka sii mid ahaanshaha Midawga Yurub, wuxuuna ku baaqay isbedel joogto ah oo lagu sameeyo dhaqaalaha Faransiiska iyo qorsheyaal maalgalin oo ay ku baxayaan balaayiin doolarka Maraykanka ah,hoos ka daawo muuqaalka.

     

     

     

     

    Hakan ka daawo muuqaalka

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Imaaraadka oo uga digay Yurub xagjiriinta Islaamka

    January 11, 2026

    Maraykanka oo duqaymo isdaba joog ah ka fuliyay Buuraha Calmiskad

    January 11, 2026

    Villa Somaliya awood ma uleedahay in ay Ciidamo ka hawlgiso gudaha dhulka PL?

    January 10, 2026
    Latest Posts

    Imaaraadka oo uga digay Yurub xagjiriinta Islaamka

    Maraykanka oo duqaymo isdaba joog ah ka fuliyay Buuraha Calmiskad

    Villa Somaliya awood ma uleedahay in ay Ciidamo ka hawlgiso gudaha dhulka PL?

    2025 oo noqday Sanadkii xaqiijinta Amniga Puntland.

    Faallo:-Xiriirka Sacuudiga iyo Imaaraadka keebaa uleh muhiimad PL?

    Faallo:-Villa Somaliya maka saari kartaa Dalka Dowlada Imaaraadka?

    Villa Somaliya oo ku cadaadinaysa Shiinaha in uu Wasiirka Arimaha dibada yimaado.

    Faallo:-Maxaa sababay baaqashada Wasiirka Shiinaha Ee Muqdisho?

    Faallo:-Khudbada Madaxweyne Xasan Shiikh Ee Caawa?

    Maraykanka oo ka baxay xubinimada hay’ado fara badan oo caalamiya

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.