Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Kullan Loogu Gogol-Xaarayo Shirka London oo Muqdisho Ka Dhacay
    Somalia

    Kullan Loogu Gogol-Xaarayo Shirka London oo Muqdisho Ka Dhacay

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyMay 1, 2017No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link
    Dowladda Fadaraalka Soomaaliya ayaa maanta magaalada Muqdisho kulan heer sare ah kula qaadatay saaxiibada beesha caalamka si loogu diyaar garoobo Shirweynaha London ee arrimaha Soomaaliya kaas oo dhici doona 11ka bisha May 2017.
     
    Shirku wuxuu madaxda sare ee DFS siiyay fursad ay ku soo bandhigaan arrimaha siyaasadda ee mudnaanta u leh ugana doodaan waxyaabaha asaaska u noqonaya heshiis iskaashi oo heer sare ah oo ay Soomaaliya iyo saaxiibadeeda caalamka ku wada gaari doonaan magaalada London. Heshiiskan wuxuu ka koobnaan doonaa arrimo kala duwan oo ay ka mid yihiin heshiiska amniga; taageerada ku aaddan gurmadka abaaraha iyo soo kabashada dhaqaalaha; iyo arrimaha siyaasadeed ee mudnaanta leh oo ay ka mid yihiin geedi-socodka dib u eegista dastuurka iyo geedi-socod dimoqoraadiyadda oo horseedaya doorashooyin qof-iyo-cod ah oo dhaca sanadka 2020.
     
    Ka-qaybgalayaashu waxay bogaadiyeen heshiiskii siyaasadeed ee ay dhowaan wada gaareen madaxda ugu sarreysa dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada, heshiiskaas oo ku saabsanaa naqshadda cusub ee qaabdhismeedka ciidamada amniga Soomaaliya. Heshiiskan wuxuu saldhig u noqonayaa wareejinta qorshaysan ee mas’uuliyadaha sare ee amniga dalka loogu wareejinayo hay’adaha amniga Soomaaliya sanadaha soo socda.
     
    “Kulanka maanta wuxuu ahaa tallaabo muhiim ah oo loo qaaday sidii lagu gaari lahaa heshiis iskaashi oo heer sare ah oo lagu gaari doono Shirweynaha London ee soo socda ee arrimaha Soomaaliya. Shirweynaha London waa fursad weyn oo lagu dardar gelinayo dib u habaynta, laguna xoojinayo iskaashiga u dhexeeya beesha caalamka iyo Soomaaliya, waxaana lagu dejin doonaa arrimaha laga mideysanyahay ee mudnaanta leh sanadaha soo socda si gacan looga geysto sidii dadka Soomaaliyeed loo siin lahaa mustaqbalka ay mudanyihiin” ayuu yiri Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud ee Qamada Midoobay u jooga Soomaaliya, Michael Keating.
     
    “Caqabadaha horyaalla dadka Soomaaliyeed waa kuwo culculus. Waxaa ka mid ah gurmad wax ku ool ah oo laga geysto abaaraha, abuurista shaqooyin iyo dhismaha dhaqaale adkeysi badan leh, hagaajinta amniga iyo xakameynta colaadaha, iyo geedi-socodka lagu xallinayo arrimaha dastuurka si loo xaqiijiyo xasillooni ballaaran iyo dowlad federaal ah oo xooggan. Furaha guusha waa dib u heshiisiin dhex marta dadka Soomaaliyeed, iyo weliba in beesha caalamka laga helo taageero isku xiran oo joogto ah oo wax looga qabto arrimaha mudnaanta u leh Soomaaliya.”
     
    Shirweynaha London ee arrimaha Soomaaliya ee qabsoomaya bisha soo socota wuxuu fursad gaar ah u noqon doonaa xaqiijinta taageero heer sare ah oo caalami ah oo ay hesho Soomaaliya marxaladdan adag ee kalaguurka amniga, siyaasadda iyo dhaqaalaha.
     
     
     
    DHAMAAD
    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Wararkii ugu danbeeyay dagaalka Baallade Ee Calmiskaad

    August 24, 2025

    Puntland oo Ciidamo cusub gelisay hawlgalka Calmiskaad

    August 24, 2025

    Warbixin:-Kobaca dhaqaale Muwaadinka Somaliyed 5-tii Sano udanbaysay

    August 24, 2025
    Latest Posts

    Wararkii ugu danbeeyay dagaalka Baallade Ee Calmiskaad

    Puntland oo Ciidamo cusub gelisay hawlgalka Calmiskaad

    Warbixin:-Kobaca dhaqaale Muwaadinka Somaliyed 5-tii Sano udanbaysay

    Faallo:-Beesha Sool Bari oo markale siriq Siyaasadeed iyo Juquraafi isgelisay

    Faallo:-Puntland miyaa la diciifin karaa saamaynteeda Siyaasadeed?

    Xarunta Daaweynta iyo Dhaqida Kalyaha oo laga hirgeliyay isbitaalka Garowe

    Waxbadan ka ogow Dagalakii Shalay ka dhacay Godka Yucrin,Maragade iyo naf hurnimada ay muujiyeen CDPL

    Maraykanka oo si dadban ugu digay Xasan Shiikh

    CDPL iyo firxadkii argagixisada oo isku helay Toga Baallade

    Dhexdhexaadintii Kenya Ee Axmed iyo Xasan oo fashilantay

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.