Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Video:-Golaha wasiirada fadaraalka oo xilkii ka qaaday xeer ilaaliyihii qaranka
    Somalia

    Video:-Golaha wasiirada fadaraalka oo xilkii ka qaaday xeer ilaaliyihii qaranka

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyMay 4, 2017Updated:May 5, 2017No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa caawa yeeshay kulan deg-deg ah oo uu shir-guddoominayey Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Mudane Xasan Cali Kheyre. Arrimaha kulanka looga hadlay ayaa waxaa ka mid ahaa Geeridii Wasiirkii Howlaha Guud iyo arrimaha Amniga dalka.

     Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre iyo xubnaha golaha wasiirada ayaa ugu horreyn ka tacsiyadeeyey geeridii naxdinta laheyd ee ku timid Marxuum Cabaas Siraaji oo ahaa wasiirka Howlaha Guud & Dib-u-Dhiska oo xalay ku geeriyooday Muqdisho. Golahu waxey qireen in marxuum Cabaas Siraaji uu ahaa iftiin soo baxaya, lahaana hiraal iyo aragti dheer oo mustaqbal fiican leh. Cabaas waxuu ahaa shaqsiga ugu da’da yar ee xubnaha golaha wasiirada, waxuuna tusaale fiican u ahaa dhalinyarada Soomaaliyeed.

    Golahu waxey warbixin ku saabsan falkii dilka iyo baarista socota ka dhageysteen Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed iyo Xeer Illaaliyaha Guud, waxeyna sheegeen in baaristu socoto, isla markaasna 3 qof ay u xiranyihiin falkaas. Waxeyna golaha ka codsadeen in gacan laga siiyo baaristooda.

    Kadib Golaha wasiiradu markii ay dhageysteen warbixintii falkii dilka ahaa ee loo geystay Marxuum Cabaas Siraaji, wasiirkii Howlaha Guud, iyagoo gudanaya waajibaadkooda dastuuriga ah ballan qaadayna in wax allaale iyo waxii suurtogelinaya in baarista la soo dhameystiro ayaa waxey go’aansadeen oo si wadar-oggol ah ugu coddeeyeen in xilkii laga qaado Hanti Dhowraha Guud ee Qaranka, iyadoo xilka uu si ku-meel gaar ah u sii heynayo Kuxigeenka Hanti-Dhowrka Guud.

    Golaha wasiiradu waxey warbixin dheer ka dhageysteen Taliyeyaasha Xooga Dalka Soomaaliyeed iyo Nabad-Sugidda ee ku aadan sidii amniga dalka oo dhan loo sugi lahaa. Warbixintaas ka dib, golaha waxey ka doodeen tallooyinka ay soo jeediyeen taliyeyaasha, waxeyna go’aamiyeen in golaha wasiirada la hor-keeno qorshe dhameystiran ee lagu sugayo amniga kasoo bilow u ah geedi socodka nabadeynta dalka.

    Ugu danbeyn, Golaha ayaa tacsi u diray Ehelladii iyo asxaabtii uu ka baxay allaha u naxariistee Marxuum Dr. Maxamuud Jaamac Sifir, oo horey u soo noqday Ra’iisul Wasaare ku-xigeen kuna geeriyooday dalka Mareykanka. Wuxuuna Goluhu ALLAH uga baryey marxuumka in jannadiisa Firdowso uu ka waraabiyo.

                                                                                    Halkan ka daawo muuqaalka

    https://youtu.be/LFNtnkFg7jE

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    The Intricate Web of Power: Djibouti’s Influence, Somali Governance, and Allegations of Corruption

    November 9, 2025

    Maxay Maraykanka uga dhigan tahay udoorashada Duqa New York Mamdani?

    November 9, 2025

    Isdhaafsiga ganacsi ka dhexeeya Somaliya iyo Imaaraadka Carabta?

    November 9, 2025
    Latest Posts

    African Union Commission Welcomes South Africa as G20 Chair and Host.

    The Intricate Web of Power: Djibouti’s Influence, Somali Governance, and Allegations of Corruption

    Maxay Maraykanka uga dhigan tahay udoorashada Duqa New York Mamdani?

    Isdhaafsiga ganacsi ka dhexeeya Somaliya iyo Imaaraadka Carabta?

    Faallo:-Dhibaatada laga dhaxlay Hubka Jimcaale iyo talada Aaran-jaan?

    Maxaa ka jira dacaayadaha laga sameeyo diyaaraadaha taageera Ciidamada PL?

    Faallo:-Loolanka Quwadaha Ee Geeska Afrika iyo doorka Puntland?

    Exclusive: Somali ISIS Leader Allegedly Moved to Qatar as Investigations Probe Secret Transfer Mogadishu,Somalia

    Djibouti at a Crossroads: The presidential transition crisis ahead of April 2026 elections

    U.S–Sudan Relations,By U.S. Embassy in Khartoum

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.