Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Video:-Camey oo ku qaabilay qasriga madaxtooyada wafti ka socda qaramada midoobey
    Somalia

    Video:-Camey oo ku qaabilay qasriga madaxtooyada wafti ka socda qaramada midoobey

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyMay 7, 2017No Comments3 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweyne kuxigeenka Dawladda Puntland ahna ku simaha Madaxweynaha Eng Abdixakiin Xaaji Cabdulaahi Cumar Camey ayaa maanta 07 May 2017 kulan kula yeeshay qasriga Madaxtooyada Garoowe kuxigeenka madaxa ugu sareeya hay’adda Unicef Cumar Cabdi, madaxa xafiiska Unicef ee bariga Africa iyo koofurta Africa, madaxa xafiiska Unicefe ee Soomaaliya iyo madaxa is gaadhsiinta  hay’addaasi Unicef .

    Madaxweyne kuxigeenka Puntland ayaa waxaa kulanka ku wehelinaayey masuuliyiin ka tirsan golaha wasiirada dawladda Puntland iyo saraakiil ka tirsan madaxtooyada Puntland.

    Madaxweyne kuxigeenka dawladda Puntland ayaa sheegay in ay weftiga ka wada hadleen abaarta baaxadale ee shacabka Soomaaliyeed wax yeelada u geysatay  iyo sidii loo caawin lahaa dadka ay wax yeeladu ka soo gaadhey abaartaasi, looguna dedaali lahaa sidii loo gacan qaban lahaa isla markaana loo kaalmayn lahaa dadkaasi.

     ‘’waxaanu kawada hadalay xaaladaha abaaraha maanta taagan, umma hadlayo Puntland keliya laakiin waxaanu ka wada hadalay jileeca iyo dhibta haysata ummadda Soomaliyeed meelkastay joogto, inay wax u qabtaan oo aanu weliba ku faraxsanahay Unicef waxa ay qabanayaan runtii ka hay’add ahaan marka loo eego wax qabadkooda waanu ku faraxsanahy, laakiin hadana hawl kama daale weli waa hogadii’’ ayuu yiri kusimaha madaxweynaha dawladda Puntland

    ‘’ hada Mudug waa tegey waan ka soo laabtay, cayn iyo buuhoodle waan tegey waan kasoo laabtay xoolihii lagu noolaa waa dhamaadeen Riyo ha ahaadeen ama Ido ha ahaadeen iyaga 20% kayar baa dadka u hadhay waana noloshii dadka, dhaqaalihii dalka, waa hawshii keliya ee ummadda Soomaaliyeed ay taqaanay, in dadkii inta ay luga hooda isku taagayaan lacaawiyo sida ugu dhakhsaha badana dib loogu celiyo noloshii ay yaqaaneen hay’adda Unicef na ay gacan ka gaysato waanu ka wadda hadalay , wixii ay  qaban kareena hore u soo qabte wayna ku mahadsan yihiin’’ ayuu yiri madaxweyne ku xigeenka dawladda Puntland

    Dhinnaca kale Madaxweyne kuxigeenka ayaa sheegay inay kawada hadleen weftiga uu hogaaminayo kuxigeenka madaxa ugu sareeya hay’adda Unicef  Mahomed Cumar maxaabiistii lagu soo qabqabtay dagaalkii Puntland dhirbaaxada kulul ku dhufatay kooxda nabad-diid ka ah ee Al-shabaab, kaas oo kal-hore ka dhacay Suuj iyo Garmaal, daryeelida, xanaanaynta iyo waxbarida maxaabiistaasi oo u badnaa caruur yaryar oo lamajara habaabiyey.

    ‘’hawsha kale ee aanu kawada hadalayna waxay ahayd qolooyinkii Al-shabaabka ahaa ee qaybna la geeyey xamar  oo aad la socoteen qaybtii kalena halkan, bal sidii loo siin lahaa talo bixin iyo waxna loo bari lahaa si dadka ay dib ugu laabtaan, iyada lafteeda runtii meel wacan baanu isla dhignay qorshahaasina waa uu socdaa wixii ay qaban karayaana waxy diyaar u yihiin inay inala qabtaan’’ ayuu yiri madaxweyne kuxigeenka Puntland.

    kuxigeenka madaxa ugu sareeya hay’adda Unicef Cumar Cabdi ayaa ku amaanay dawladda Puntland ee uu hormuudka u yahay Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas masuuliyada gaar ka ah ee ay iska sareen caawinta iyo u gurmashada ummadda Soomaaliyeed ee ay abaartu wax yeelaysay sidoo kale waxaa uu dawladda Puntland ku mahadiyey sida masuuliyada iyo xil-kasnimada leh ee ay u gacan qabteen caruunta ay qaladay kooxda cadawga Soomaaliyeed ee Al-shabaab,hoos ka daawo muuqaalka.

     

     

     

    Halkan ka daawo muuqaalka

    https://youtu.be/b5SvLLCTxIk

     

     

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Baaq ku socda Kufsi wadareedka ka dhacay LC.

    June 17, 2025

    Shirka Bangiyada iyo Maaliyada Puntland oo soo xirmay

    June 17, 2025

    Trump oo ku doodaya Ruushka in lagu daro G-7

    June 17, 2025
    Latest Posts

    Baaq ku socda Kufsi wadareedka ka dhacay LC.

    Shirka Bangiyada iyo Maaliyada Puntland oo soo xirmay

    Trump oo ku doodaya Ruushka in lagu daro G-7

    Wararkii ugu danbeeyay dagaalka Iran iyo Israa’iil?

    Faallo:-Maxaa dhacaya hadii Maraykanku ku biiro dagaalka Iran?

    Update:-Dagaalka Iran iyo Israa’iil

    Shirweynaha Bangiyada iyo Maaliyada oo Garowe ka furmay

    Wararkii ugu danbeeyay dagaalka Iran iyo Israa’iil

    Doonyo laga shakiyay oo lagu qabtay Bender-beyla

    Wararkii ugu danbeeyay ee dagaalka Iran iyo Israa’iil

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.