Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Shirka Golaha Wasiirada oo laga soo saaray Go’aamo muhiim ah ee Amniga iyo Xasilinta, soona dhoweeyey Shirka London
    Somalia

    Shirka Golaha Wasiirada oo laga soo saaray Go’aamo muhiim ah ee Amniga iyo Xasilinta, soona dhoweeyey Shirka London

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyMay 12, 2017No Comments4 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Muqdisho, 11 May 2017 – Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa oo uu shir-guddoominayay Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Mudane Xasan Cali Kheyre. Arrimaha kulanka looga hadlay ayaa waxaa ka mid ahaa Amniga iyo Xasilinta Dalka iyo Shirka London ka furmay shalay.

    Golaha Wasiirada ayaa ugu horreyntii soo dhoweeyey Shirka London isla markaasna u mahadceliyey Dowladda UK oo door hoggaamineed ka qaadatay sidii shirkaas u dhici lahaa oo shacabka iyo Dowladda Soomaaliya looga saacidi lahaa dhanka nabadeynta, sugida amniga, iyo sidii dalka looga hirgelin lahaa doorashooyin hal cod iyo hal qof ah. Sidoo kale Golahu waxey u mahadceliyeen doorka beesha caalamka iyo Qaramada Midoobey.

    Golaha Wasiirada ayaa warbixin ka dhageystay Taliyeyaasha ciidamada ee Booliiska, Xooga Dalka iyo Nabad-Sugida. Warbixin tifatiran ee la xiriirta sugida amniga iyo nabadeynta dalka ayaa golaha wasiiradu ka doodeen isla markaasna ku biiriyeen talooyinkooda. Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa Taliyeyaasha ku ammaanay warbixintooda, qorsheyaasha ay soo jeediyeen iyo sida ay uga go’antahay in dalka loo nabadeeyo.

    Ra’iisul Wasaaraha ayaa ugu danbeyntii cod geliyey go’aamada lagu sugayo amniga taas oo dhammaan xubnaha golaha wasiirada ay si wadar-oggol ah (cod aqlabiyad leh) isagu raaceen go’aamadan:

    1. In la sameeyo ciidanka howlgalka xasilinta Caasimadda, oo isugu jira Boliis, XDS & Nabadsugid, kuwaas oo leh hal Talis oo leh hoggaan mideysan.
    2. Caasimadda Waxaa laga mamnucay ciidamada hubaysan iyo gaadiidka dagaalka ee aan ku jirin:-

    a. Howlgallada lagu xasilinayo Caasimadda,
    b. Aan wadanin warqad fasax dhaq-dhaqaaq ah
    Ciddii ku xadgudubta awaamiirtan, waxay mutaysan doonaan in Sharciga lala tiigsado.
    3. Ciidamada XDS ee ka qayb qaadanaya Howlgalka Xasilinta Caasimadda, waa inay ka midyihiin HORIN “Polizia-Militariya”.
    4. Caasimada waxaa laga mamnuucay wadashada dharka ciidanka XDS iyadoon loo heysan sharciyad iyo aqoonsi.
    5. Laga bilaabo 11/May/2017 waxaa mas’uuliyiinta Dowladda ee haysta Hubka, Gaadiidka & Ciidanka XDS, laga doonayaa inay ku celiyaan Taliska Ciidanka XDS muddo 10 casho gudohood.

    1. Waxaa laga mamnuucay dhammaan qof kasta oo ay ku jiraan Mas’uuliyiinta Dowladda in Magaalada Muqdisho ay ku dhex wataan ilaalo ka badan 4 askari gaari kasto iyo ugu badnaan 2 gaari, Mana qaadan karaan qori ka wayn AK47.
    2. Iyadoo la fulinaayo jiheynta & Tilmaamaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxay Guddiga Amniga Qaranka go’aamiyeen in Degmada Afgooye ay ka mid noqoto Howlgalka xasilinta Caasimadda.
    3. Waxaa Taliska Ciidanka Boliiska laga doonayaa in muddo 60 casho ku eg ay ku soo dhisaan ciidamo gaar ah oo ilaaliya madaxda Qaranka iyo goobaha Muhiimka ah ee Dowladda.
    4. Shirkadaha Amniga ee gaarka loo leeyahay waxaa la farayaa in xarunta Howlgallada wadajirka ah ay si joogto ah u ogaysiiyaan dhaq-dhaqaaqa Ciidanka iyo Hubka ay maamulaan.
    5. Ilaalada Goobaha Ganacsiga sida Hoteelada, Carwooyinka, Isbitaalada, Jaamacadaha iwm, waxay mas’uul ka ahaan doonaan amni darrada ka dhaca goobaha ay ilaaliyaan iyo agagaarkeeda, oo ayagoo wax ka qaban kara, ka baaqsada inay ka hortagaan, ama u soo gudbiyaan Ciidamada Amniga.
    6. Wasaaradaha Amniga, Gaashaandhiga iyo Taliyeyaasha Ciidamada waa inay sida ugu dhaqsiyaha badan u dhaqan geliyaan xarunta Hoggaaminta Howlgalka Xasilinta Caasimadda oo loo gartay JOCC, taasoo noqonaysa Taliska Howlgalkan.
    7. Howlgalka xasilinta Caasimadda wuxuu u bilaaban doonaa si deg-deg ah, inta ka horaysana Ciidan waliba kaalinta howlgalka kaga soo aadday ciidan & qalab waa inuu ku wareejiyaa Taliyaha Howlgalka.
    8. Maamulka Gobolka Banaadar ayaa ka howlgalaya Abaabulka & Baraarujinta dadweynaha iyagoo kaashanaya Wasaarada Warfaafinta, bulshada qaybaheeda kala duwan, iyo Hay’adaha amniga.
    9. Wasarada Warfaafinta ee Dowladda Federaalka wuxuu mas’uul ka ahaan doonaa:-
    a. Doorka warbaahinta ee la xiriira Howlgalka Xasilinta Caasimadda iyo sidii saxaafada loola wadaagi lahaa macluumaadka howlgalada amniga lagu sugayo.
    b. Doorka Wacyigelinta bulshada oo ka baxaya Warbaahinada Dowladda iyo kuwa madax-banaan.

    Dhammaan go’aanadan kor ku xusan waxaa la waafajinayaa Dastuurka, Shareecada Islaamka iyo shuruucda dalka.

    DHAMAAD

    Xafiiska Warbaahinta iyo Xiriirka
    Muqdisho, Somalia

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maxaa kasoo baxay Shirkii Xasan Shiikh Ee Xamar?

    June 19, 2025

    Baaq ku socda Kufsi wadareedka ka dhacay LC.

    June 17, 2025

    Shirka Bangiyada iyo Maaliyada Puntland oo soo xirmay

    June 17, 2025
    Latest Posts

    Maxaa kasoo baxay Shirkii Xasan Shiikh Ee Xamar?

    Baaq ku socda Kufsi wadareedka ka dhacay LC.

    Shirka Bangiyada iyo Maaliyada Puntland oo soo xirmay

    Trump oo ku doodaya Ruushka in lagu daro G-7

    Wararkii ugu danbeeyay dagaalka Iran iyo Israa’iil?

    Faallo:-Maxaa dhacaya hadii Maraykanku ku biiro dagaalka Iran?

    Update:-Dagaalka Iran iyo Israa’iil

    Shirweynaha Bangiyada iyo Maaliyada oo Garowe ka furmay

    Wararkii ugu danbeeyay dagaalka Iran iyo Israa’iil

    Doonyo laga shakiyay oo lagu qabtay Bender-beyla

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.