Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Trump oo loogu baaqay in uu soo wareejiyo cajladaha laga duubay
    Somalia

    Trump oo loogu baaqay in uu soo wareejiyo cajladaha laga duubay

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyMay 15, 2017Updated:May 15, 2017No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link
    Masuuliyiin sarsare oo ka tirsan baarlamaanka dalka Maraykanka ayaa madaxweyne Donald Trump ugu baaqay in uu soo wareejiyo dhammaan cajaladaha laga duubay wada hadaladii dhexmaray isaga iyo hogaamiyihii hay’adda FBI-da James Comey ee uu shaqada ka tiray.
     
    Hogaamiyaha xubnaha aqalka Senetka ee xisbiga Dimuqraadiga Charles Schumer ayaa ka digay in tirtiridda cajaladahaas ay sharciga ka soo horjeeddo.
     
    Lindsey Graham oo isna ka tirsan Senate-ka kana mid ah xisbiga Jamhuuriga ayaa sheegat in loo baahan yahay in “Aqalka Cad” ee Maraykanka looga arrimiyo uu caddeeyo in cajaladaha la sheegayo ay jiraan.
     
    Hadaladan ayaa yimid ka dib markii Trump uu Twitterka ku soo qoray wax u muuqday hanjabaad aan toos ahayn oo uu jeediyay madaxii hore ee FBI.
     
    Trump ayaa Comey uga digay todobaadkii hore in uu la hadlo warbaahinta, wuxuuna sheegay in “in ay u fiicnaan lahayd in uu rajeeyo in aan cajalado laga haynin” wadahadalladii dhexmaray.
     
    Aqalka Cad wali ma uusan xaqiijinin mana diidin in ay jiraan cajaladahaas.
     
    Schumer ayaa ka digay in xubnaha Dimuqraadiga ee aqalka Senate-ku in aysan u codayn doonin madaxa cusub ee FBI ilaa iyo inta laga magacaabayo dacwad ooge si gaar ah u baara eedaymaha sheegaya in Ruushku uu farogeliyay doorashadii Maraykanka.
     
    FBI ayaa baaraysa macquulnimada eedaymaha sheegaya in calaaqaad uu dhexmaray Ruushka iyo ol’olihii doorashada ee Trump.
     
    Trump ayaa diiday in uu jiray xiriir noocaas ah, wuxuuna sheegay in Comey uu u xaqiijiyay in aan wax baaritaan ah lagu haynin. Wuxuu sheegay in uu Comey shaqada uga eryay in uusan si wanaagsan u qabanin hawshii loo idmaday.
    Si kastaba ha ahaatee xisbiga Dimuqraadiga ayaa Trump ku eedeeyay in eryitaanka Comey uu yahay isku day uu ku doonay in uu ku carqaladeeyo baaritaannada ay FBI-du ku hayso isaga.
    Halkan ka daawo muuqaalka
    https://youtu.be/tADwk-yaLyE
    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Imaaraadka oo uga digay Yurub xagjiriinta Islaamka

    January 11, 2026

    Maraykanka oo duqaymo isdaba joog ah ka fuliyay Buuraha Calmiskad

    January 11, 2026

    Villa Somaliya awood ma uleedahay in ay Ciidamo ka hawlgiso gudaha dhulka PL?

    January 10, 2026
    Latest Posts

    Imaaraadka oo uga digay Yurub xagjiriinta Islaamka

    Maraykanka oo duqaymo isdaba joog ah ka fuliyay Buuraha Calmiskad

    Villa Somaliya awood ma uleedahay in ay Ciidamo ka hawlgiso gudaha dhulka PL?

    2025 oo noqday Sanadkii xaqiijinta Amniga Puntland.

    Faallo:-Xiriirka Sacuudiga iyo Imaaraadka keebaa uleh muhiimad PL?

    Faallo:-Villa Somaliya maka saari kartaa Dalka Dowlada Imaaraadka?

    Villa Somaliya oo ku cadaadinaysa Shiinaha in uu Wasiirka Arimaha dibada yimaado.

    Faallo:-Maxaa sababay baaqashada Wasiirka Shiinaha Ee Muqdisho?

    Faallo:-Khudbada Madaxweyne Xasan Shiikh Ee Caawa?

    Maraykanka oo ka baxay xubinimada hay’ado fara badan oo caalamiya

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.