Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Madaxweyne kuxigeenka Puntland oo Garoowe kula kulmay Madaxa Xafiiska Xaquuqul Insaanka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya.
    Somalia

    Madaxweyne kuxigeenka Puntland oo Garoowe kula kulmay Madaxa Xafiiska Xaquuqul Insaanka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya.

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyMay 22, 2017No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweyne kuxigeenka Dawladda Puntland ahna kusimaha Madaxweynaha Egn. Cabdixakiin Xaaji Cabdulaahi Cumar Camey ayaa maanta subaxnimadii 22 May 2017 qasriga Madaxtooyada Garoowe kulan kula yeeshay  wefti uu hogaaminayo Madaxa xafiiska xaquuqul insaanka qaramada midoobey ee Soomaaliya Mr. Bahame Tom.

    Kulanka uu kusimaha Madaxweynuhu laqaatay Weftigani ayaa waxaa ku wehelinaayey Masuuliyiin ka tirsan golaha wasiirada Dawladda Puntland iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada dawladda Puntland.

    Kulan gaar ah oo ay wadda qateen madaxweyne kuxigeenka iyo weftiga uu hogaaminayey Mr. Bahame Tom kadib ayaa waxa ay si wadajira ula hadleen warbaahita, waxaana uu sheegay madaxweyne kuxigeenku inay ka wada hadleen weftigani ilaalinta xaquuqda bulshada rayidka ah siiba  caruurta iyo haweenka, iyo sidoo kale sharciga qabana qofka isu ekaysiiiya milatariy  amaba ciidanka qalabka sida sharciga qabana, taas oo uu sheegay  Madaxweynu kuxigeenka in dawladda Puntland ay ka leedahay sharci, kaas oo ah in qafkaasi ay xukunto maxkamad milatariy.

    Sidoo kale kusimaha Madaxweynaha ayaa sheegay inay kawada hadleen weftigani ka socdey xafiiska xaquuqul insaanka qaramada midoobey ee Soomaaliya, xeerka dhaqanka Soomaaliyeed ee soo jireenka ah, kaas oo Soomaaliya udub dhexaad uh jiritaankeeda lagagana dhaqmo dhammaan geyiga Soomaalidu degto, waxaana uu xusay Madaxweyne kuxigeenka in xeerkani uu salka kuhayo diinteena islaamka, isla markaana lagu dhammeeyo wax maxkamad u taag weydey.

    Kusimaha Madaxweynaha ayaa xusay in dawladda Puntland ay markasta ilaaliso ilaalinta xaquuqul insaanka, waxaana uu tusaale u soo qaatay  maxaabiistii lagu soo qabtay dagaalkii Puntland lagashay cadawga Soomaaliyeed ee Al-shabaab, kuwaas oo ay ku jireen caruur yar-yar oo aan gaadhin da’da qaangaadhka, isla markaana ay dawladda Puntland u samaysay dhaqancelin.

    Dhinnaca kale madaxweyne kuxigeenka Puntland ayaa cadeeyey in maxaabista qaar lagu hayo xabsiyada Puntland kuwaas oo u dhexeeya da’da 15-18 dawladda Puntland-na ay u samaysay dhaqancelin waxna ku barto xabsiyada gudahooda, waxaana uu xusay Madaxweyene Camey in aanay jirin meel kale oo laga sameeyey arrinkaasi Soomaaliya, Puntland-na ay kaga horayso Maamulada Soomaaliya ilaalinta xaquuqda Bini aadanka.

    Mr. Bahame Tom madaxa xafiiska xaquuqul insaanka qaramada midoobey ee Soomaaliya ayaa dhankiisa Puntland ku amaanay sida ay u ilaaliyaan xaquuqda bulshada rayidka ah ee gaar ahaan caruurta iyo waheenka oo iyaga muhiim u ah bulshada, sidoo kale waxa uu Dawladda Puntland ku amaanay si dii ay ula tacaaleen ilaalinta xaquuqda maxaabiistii lagu soo qabtay dagaalkii dhexmaray Puntland iyo cadawga Al-shabaab.

     

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Dowlada Jubaland oo qaadacday go’aanka DFS

    January 13, 2026

    Faallo:-PL waxay Imaaraadka ka heshaa faa’iidooyin badan oo istaraatiiji ah

    January 12, 2026

    Puntland oo qaadacday go’aanka DFS Ee Imaaraadka ka dhanka ah

    January 12, 2026
    Latest Posts

    Dowlada Jubaland oo qaadacday go’aanka DFS

    Faallo:-PL waxay Imaaraadka ka heshaa faa’iidooyin badan oo istaraatiiji ah

    Puntland oo qaadacday go’aanka DFS Ee Imaaraadka ka dhanka ah

    Why Puntland Is Justified in Rejecting the Federal Government’s Directive…

    Imaaraadka oo uga digay Yurub xagjiriinta Islaamka

    Maraykanka oo duqaymo isdaba joog ah ka fuliyay Buuraha Calmiskad

    Villa Somaliya awood ma uleedahay in ay Ciidamo ka hawlgiso gudaha dhulka PL?

    2025 oo noqday Sanadkii xaqiijinta Amniga Puntland.

    Faallo:-Xiriirka Sacuudiga iyo Imaaraadka keebaa uleh muhiimad PL?

    Faallo:-Villa Somaliya maka saari kartaa Dalka Dowlada Imaaraadka?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.