Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Sawiro:-Camey oo ku qaabilay madaxtooyada wafti ka socda hay’ada Ocha
    Somalia

    Sawiro:-Camey oo ku qaabilay madaxtooyada wafti ka socda hay’ada Ocha

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyMay 24, 2017No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweyne kuxigeenka Dawladda Puntland ahna kusimaha Madaxweynaha Eng. Cabdixakiin Xaaji Cabdulaahi Cumar Camey ayaa saaka subax nimadii 24, May, 2017, qasriga Madaxtooyada Garoowe ku qaabilay madaxa xafiiska UNOCHA ee Soomaaliya Mr. Justin Brady oo uu wehelinayo madaxa xafiiska UNOCHA ee  Puntland Mr. Francis Lenoh.

    Kusimaha Madaxweynaha iyo madaxda ka socotey hay’adda UNOCHA ayaa waxa ay kawada hadleen wadashaqayntii wanaagsanayd ee dhex martay Dawladda Puntland iyo hay’adda UNOCHA xiligi abaaraha baaxadale ay ka jireen Puntland.

    Madaxweyne kuxigeenka Dawladda Puntland ayaa ku amaanay hay’adda UNOCHA doorkii wanaagsanaa ee ay ka qaateen gurmadka loo fidinaayey dadka Soomaaliyeed ee abaartu saamaysay xiliyadii adkaa ee abaartu ka jirtey degaanada Puntland, waxaana uu xaqiijiyey in hay’adda UNOCHA ay ka mid tahay hay’addaha ugu wax qabadka wanaagsan ee ka hawl gala Soomaaliya.

    Dhinnaca kale kusimaha Madaxweynaha ayaa ku booriyey masuuliyiinta hay’adda UNOCHA inay sii dardar geliyaan shaqooyinka  baaxadale ee xafiiskoodu ku hawlan yahay, waxaana uu xusay in ay iminka taagan tahay samata bixinta dad badan oo ay wax yeelo u gaysteen roobabka lixaad kale ee ka da’ya degaanada Puntland kuwaas oo u baahan hu’, maalayn, xoolayn iyo gargaar bini aadantinimo iyo sidoo kale dadka xoolo dhaqatada ah ee kusoo hayaamay Puntland xiligii abaarta dib u celintooda.

    Mr. Justin Brady madaxa xafiiska UNOCHA ee Soomaaliya ayaa dhankiisa ku dheeraday muhiimada ay u leedahay tageerida iyo gacan qabashada dadka dhibaataysan ee reer Puntland, isagoona xaqiijiyey inay markasta diyaar u yihiin ka qayb qaadashada xaalad kasta oo taagan,  waxaana uu ku amaanay dawladda Puntland iyo shacabkeeda shaqo wanaaga ay ku astaysan yihiin iyo caawinta midba midka kale ula heelan yahay.

    –DHAMMAAD—

    XAFIISKA, WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

     

     

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Imaaraadka oo uga digay Yurub xagjiriinta Islaamka

    January 11, 2026

    Maraykanka oo duqaymo isdaba joog ah ka fuliyay Buuraha Calmiskad

    January 11, 2026

    Villa Somaliya awood ma uleedahay in ay Ciidamo ka hawlgiso gudaha dhulka PL?

    January 10, 2026
    Latest Posts

    Imaaraadka oo uga digay Yurub xagjiriinta Islaamka

    Maraykanka oo duqaymo isdaba joog ah ka fuliyay Buuraha Calmiskad

    Villa Somaliya awood ma uleedahay in ay Ciidamo ka hawlgiso gudaha dhulka PL?

    2025 oo noqday Sanadkii xaqiijinta Amniga Puntland.

    Faallo:-Xiriirka Sacuudiga iyo Imaaraadka keebaa uleh muhiimad PL?

    Faallo:-Villa Somaliya maka saari kartaa Dalka Dowlada Imaaraadka?

    Villa Somaliya oo ku cadaadinaysa Shiinaha in uu Wasiirka Arimaha dibada yimaado.

    Faallo:-Maxaa sababay baaqashada Wasiirka Shiinaha Ee Muqdisho?

    Faallo:-Khudbada Madaxweyne Xasan Shiikh Ee Caawa?

    Maraykanka oo ka baxay xubinimada hay’ado fara badan oo caalamiya

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.