Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Dhagayso:-Madaxweyne Gaas oo ka hadlay dhaarintii wasiirada cusub ee Puntland
    Somalia

    Dhagayso:-Madaxweyne Gaas oo ka hadlay dhaarintii wasiirada cusub ee Puntland

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJune 7, 2017No Comments3 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo goobjoog ka haa saaka 07 June 2017 munaasimad lagu dhaarinayey  qaar kamida Wasiiradda cusub ee uu dhowaan magcaabay, munaasimada dhaarinta ayaa ka dhacday Qasriga Madaxtooyada Garoowe.

    Wasiiradda loo dhaariyey xilalka loo igmaday ayaa kala ah Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Hiddaha iyo Dhaqanka Cabdiraxmaan Barkhad Warsame, Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Caafimaadka Cabdifataax Xasan Xuseen (Waloore), Wasiir ku xigeenka Wasaarada Hawlaha Guud Cabdiweli Maxamed Yuusuf iyo Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Cabdisalaan Bashiir Cabdisalaan.

    Munaasimada dhaarinta Wasiiradda ayaa waxaa madaxweynaha ku wehelinaayey Gudoomiyaha Maxkamadda Sare Yuusuf Xaaji Nuur iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyadda Dawladda Puntland.

    Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa kadib markii wasiiradda loo dhaariyey xilalkaasi cusub waxa uu kula dardaarmay inay ay shaqadooda si daacad ah u gutaan kana fogaadaan wax walba oo ku keeni kara in  gaabis ku yimaado hawlaha culus ee loo igmaday.

     

    ‘’ Waad dharateen oo kitaab ayaad marten, waxaadna u dhaarateen inaad dadka iyo dalkaba si daacad nimo ah ugu shaqaysaan, maanta waa maalin ka duwan maalmaha kale waayo idinkoo sooman ayaad Kitaab marteen, waxaa laydin ka rabaa dhartaa inaad ka soo baxdaan, waxaan filayaa dhammaanteen dhalin yaraatihiin marka laga reebo Wasiir Barkhadle, waxaan rabnaa in dhalinyaradu dalka u shaqeeyaan oo wixii ay soo barteen dalka ugu shaqeeyaan’’. Ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.

     

    Sidoo kale Madaxweynaha ayaa kula dardaarmay Wasiirada cusub inay si daacad ah ugu shaqeeeyaan shacabkooda, isla markaana ay markasta ka fekeraan sidii ay u horumarin lahaayeen bulshadooda iyo shaqooyinka baaxadale ee loo igmaday, waxaana uu ku adkeeyey inay had iyo jeer noqdaan kuwo metela shacabkooda, kana shaqeeya siyaasada dawladda.

     

     ‘’waxaa ladin ka rabaa idinkoo dhalin yaro ah inaad masuulid weyn isa saartaan, waxaad noqon doontaan kuwo sifiican u shaqeeya oo si daacad ah dalka ugu adeega ayaad noqon doontaan, mustaqbal kan kasii wanaagsana waad sii yeelan kartaan ama waad fashilmi doontaan oo waxaa laydin ku baran doonaa niman waxma tarayaala inaad tihiin, doorashadu idinka ayay idin jirtaa’’ ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.

     

    ‘’Dawladda nimada iyo wasiir nimadu maha qofku in xafiis keliya ka shaqeeyo waxaa la rabaa inaad siyaasada dawladda ka shaqaysaan, barnaamijka iyo hadafka siyaasadeed ee dawladda inaad fulisaan baa laydin ka rabaa qof walbi dhul iyo degaan buu ka soo jeedaa waxaadna kamid noqon doontaan metelayaasha dawladda, waxaa laydin ka rabaa shaqadiina inaad sifiican u gudataan, xilkiina la wareegtaan, hawl gashaan, hore u socotaan Insha Allah hadii Illahay yidhaahdo’’ ayuu yidhi Madaxweynaha Dawladda Puntland .

     

     

     

    Halkan ka dhagayso codka madaxweyanaha

    https://www.idilnews.com/wp-content/uploads/2017/06/g.mp3

     

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Imaaraadka oo uga digay Yurub xagjiriinta Islaamka

    January 11, 2026

    Maraykanka oo duqaymo isdaba joog ah ka fuliyay Buuraha Calmiskad

    January 11, 2026

    Villa Somaliya awood ma uleedahay in ay Ciidamo ka hawlgiso gudaha dhulka PL?

    January 10, 2026
    Latest Posts

    Imaaraadka oo uga digay Yurub xagjiriinta Islaamka

    Maraykanka oo duqaymo isdaba joog ah ka fuliyay Buuraha Calmiskad

    Villa Somaliya awood ma uleedahay in ay Ciidamo ka hawlgiso gudaha dhulka PL?

    2025 oo noqday Sanadkii xaqiijinta Amniga Puntland.

    Faallo:-Xiriirka Sacuudiga iyo Imaaraadka keebaa uleh muhiimad PL?

    Faallo:-Villa Somaliya maka saari kartaa Dalka Dowlada Imaaraadka?

    Villa Somaliya oo ku cadaadinaysa Shiinaha in uu Wasiirka Arimaha dibada yimaado.

    Faallo:-Maxaa sababay baaqashada Wasiirka Shiinaha Ee Muqdisho?

    Faallo:-Khudbada Madaxweyne Xasan Shiikh Ee Caawa?

    Maraykanka oo ka baxay xubinimada hay’ado fara badan oo caalamiya

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.