Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Golaha wasiirada fadaraalka maku faraxsan yihiin dhacdadii Af-urur?
    Somalia

    Golaha wasiirada fadaraalka maku faraxsan yihiin dhacdadii Af-urur?

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJune 8, 2017No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Qoraalkan hoos ku qoran ee aad arki doontaan waa warmurtiyeedkii shirka Golaha wasiirada fadaraalka ee maanta.

    Loogama hadlin oo laguma soo qaadin weerarka argagixisada ee Puntland,xataa laguma xusin khasaaraha Puntland gaaray.

    Shacabka geeriyooday ee argagixisadu laysay looguma tacsiyayn,

    cajiib,cajiib Cajiib ,taariikh baa qornaysa waxii qarsoonaa ayaa tartartiib usoo baxaya,waxaa sidaa u dhaqmaya waa dawlada fadaraalka ee sheegata in ay dalkoo idil matasha.

    Wadaniyada iyo kartida Ra’isalwasarae Khayre ma Xamar kaliya yaya aragtaa.

    Waxaan ku kalsoonahay in Puntalnd isku filan tahay”

    .

    Halkan ka akhriso warmurtiyeedka golaha w.fadaraalka”

    Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa oo uu shir-guddoominayay Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Mudane Xasan Cali Kheyre, waxana looga hadlay arrimo kala duwan oo kamd yihiin, ansixinta Miisaaniyadda sanadkan 2017, mowqifka Soomaaliya ee xiisadda diblamaasiyadeed ee gacanka iyo dhalinyarada Soomaaliyeed ee ku xiran dalal dhowr ah.

    Ugu horeyntii Golaha Wasiirada ayaa ka dooday xisaab xirka miinasaaniyaddii hore iyo meel marinta miisaaniyadda 2017, waxana goluhu isku raacay ansixinta miisaaniyadda cusub oo ka kooban $246 Malyuun oo dollar, taasi oo dawladdu ku shaqeyn doonto inta ka dhiman sanadkan.

    Golaha Wasiirada Xukuumadda ayaa sidoo kale ka dooday mowqifkii dawladdu ay ka qaadatay khilaafka diblamaasiyadeed ee u dhexeeya Qatar, Sucuudiga iyo dalalka Carbeed ee isbahaysiga la ah, waxana goluhu taageeray goaanka dhex dhexaadnimada ah ee dawladda Soomaaliya ka qaadatay arrinkaas, iyagoo bogaadiyey dadaalada socda ee xalka loogu raadinayo khilaafka labada dhinac.

    Ugu danbeyntii Golaha Wasiirada ayaa walaac ka muujiyey xaaladda qaxootiga Soomaaliyeed ee Yaman iyo dhalinyarada ku xirran Liibiya, waxana goluhu sheegay in uu ku dadaali donaan sidii wax loogu qaban lahaaa samatabixinta dadkaas oo dhibaatooyin kala duwan haystaan. Sidoo kale waxaa Golaha Wasiiradu soo dhaweeyeen dhaqan gelinta heshiiskii dawladda Soomaaliya iyo Hindiya ku gaareen in dhalinyarada Soomaaliyeed ee dalkaas ku xiran dib loogu soo celiyo dalkoodii hooyo.

    —-DHAMMAAD—-

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Imaaraadka oo uga digay Yurub xagjiriinta Islaamka

    January 11, 2026

    Maraykanka oo duqaymo isdaba joog ah ka fuliyay Buuraha Calmiskad

    January 11, 2026

    Villa Somaliya awood ma uleedahay in ay Ciidamo ka hawlgiso gudaha dhulka PL?

    January 10, 2026
    Latest Posts

    Imaaraadka oo uga digay Yurub xagjiriinta Islaamka

    Maraykanka oo duqaymo isdaba joog ah ka fuliyay Buuraha Calmiskad

    Villa Somaliya awood ma uleedahay in ay Ciidamo ka hawlgiso gudaha dhulka PL?

    2025 oo noqday Sanadkii xaqiijinta Amniga Puntland.

    Faallo:-Xiriirka Sacuudiga iyo Imaaraadka keebaa uleh muhiimad PL?

    Faallo:-Villa Somaliya maka saari kartaa Dalka Dowlada Imaaraadka?

    Villa Somaliya oo ku cadaadinaysa Shiinaha in uu Wasiirka Arimaha dibada yimaado.

    Faallo:-Maxaa sababay baaqashada Wasiirka Shiinaha Ee Muqdisho?

    Faallo:-Khudbada Madaxweyne Xasan Shiikh Ee Caawa?

    Maraykanka oo ka baxay xubinimada hay’ado fara badan oo caalamiya

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.