Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Somalidu muruq iyo maskax midna kama shaqaysiin .WQ.Cismaan Cabdixaliin
    Somalia

    Somalidu muruq iyo maskax midna kama shaqaysiin .WQ.Cismaan Cabdixaliin

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJune 10, 2017No Comments3 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Taariikhda maalintii ugu kululayd gobolka Minnesota waxay ahayd. July 29, 1917 xaraaraddu waxay gaartay 115 F oo u dhiganta 46C.

    Maanta Boosaaso waxay gaartay 104 F oo u dhiganta 40 C, laakiin kuwa saadaashu waxay leeyihiin Boosaaso xaraaraddu waa 104 F laakiin ( It Feels like 115 F ). Oo mararka qaarkood xaraaraddu intay tahay iyo kulaylka la dareemayaa way Kala bataan, anagu waxaan maanta dareemaynaa record kii minnesota ee ahaa 115 F, waxaan ka kulul nahay magaalada inta badan lagu asteeyo inay dunidda ugu kulushahay ee El Azizia, Libya. Oo maanta iyadu waa 95 F. Laakiin waxaan ka fiicanahay magaaladii labaad ee aduunka ugu kululayd Dallol, Ethiopia oo maanta iyadu waa 116 F, oo u dhiganta 46 C, Kuwait City 118 F oo u dhiganta 48 C iyo Riyadh oo 43C .

    Soomaalida reer Minnesota marka qabowgu eber ka hoos maro oo xaraaraddu -30 noqoto waxay ku leeyihiin xaaladdu maanta waa Minus (-) waawareey, anaggu maanta waxaan ku jirnaa Plus (+) Waawareey.

    Boosaaso in lagu soomo aad bay iila wanaagsan tahay, oo waad dareemaysaa soonka gaajadiisa iyo haraad kiisa, dadkeedu waa dad adadag safafka hore ee masaajidada xiligga taraawiixda dhabarkaa laga wada qoyan yahay waa la dhididayaa, yaaba kala jecel sow abuurihii koonkaan lama hor taagna, waa la faraxsan yahay, waa la qashuuc san yahay waan laga xamdi naqayaa in inta la afuray biyo la cabay. waxaa la rumaysan yahay inay imaanayso maalin ilaahay la hor taagan yahay oo qoraxdu dadka dul taagan tahay oo qofba dhidiskiisu meel u joogo.

    Boosaaso way ka dhaqaale badan tahay Kuwait City, Jeddah iyo Dubai, Buuraheedu waa macdan, Dhuxul dhagax, shamiito iyo Nuurad, kaluunka badeedu waa quus oo qabo , Gaaska iyo patroolku waa trillion, dhulka haddaad wax yar qodid weliba aad xeebta agteeda qodatid waa biyo macaan iyo Illo burqanaya oo ilaahay u kala soocay si aysan biyaha dhanaan ugu darmin kuwa macaan. Xooluhu waa kuwaas banaankeeda daaqaya oo gebran. Xabagta, beeyada, timirta iyo xijigu waa guro oo geedka haka soo dhicin.

    Kulaylka iyo awooda cadceeda ee gobolkaani haysto wadamada haystaa korantadu bishii gurigaaga waa 20 dollar oo waa raqiis maxaa yeelay cadceeda ayey koronto ka dhaliyaan, dabaysha xagaaga halkaan ka dhacaysaa qofka soconaya ayey tuurtaa, korontadana dabayshaa ugu wanaagsan in laga dhaliyo oo ugu caafimaad badan. Aniga guriga aan degenahay 2 qaboojiye ayaa ku jira oo la isticmaalaa xiligaan kulul bishii waxaa nalagu soo dalacaa 700 oo doolar.

    Sababta keliya ee aynu ugu tuugsi tagno Dubai, Qadar, iyo Jeddah waxaa weeye.

    1-Waddamada horey u maray maskaxdoodu ma qufulna gacmahooduna ma laabna oo labaduba way u shaqeeyaan

    2-Kuwa carabta maskaxdoodu way u shaqaysaa laakiin gacmahoodaa laaban oon u shaqayn, si ay u horumaraan aduunka wixii gacmuhu u furnaayeen oo fuundi iyo jid dhise ahaa ayey keensadeen oo dhulkooda u dhisay.

    3-Waddamada Africa iyagu maskaxdoodaa qufulan laakiin gacmahoodu way furan yihiin oo way ku shaqeeyaan waxay u baahdeen kuwa maskaxdu u shaqayso inay u yimaadaan oo wax u sheegaan iyaguna wixii qabtaan.

    4- Soomaalidu maskaxduna way na qufulan tahay gacmuhuna way noo laaban yihiin. 50 sano oo laga soo gudbay dowlad lama yeelan 50 ka sano oo soo socdana dowladi nooma muuqato. Marka khayraadka aynu ku dul fadhinaa waxba nooguma toorna kulayl waxaan ahayn nama tarin.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Dagaalka Iran iyo Israa’iil oo Maalinkii Lixaad galay.

    June 20, 2025

    Xasan si farsamaysan,ayuu ufuliyay amarkii Beesha Caalamka

    June 19, 2025

    Xeerka la dagaalanka argagaxisada PL oo wax laga badalay

    June 19, 2025
    Latest Posts

    Dagaalka Iran iyo Israa’iil oo Maalinkii Lixaad galay.

    Xasan si farsamaysan,ayuu ufuliyay amarkii Beesha Caalamka

    Xeerka la dagaalanka argagaxisada PL oo wax laga badalay

    Maxaa kasoo baxay Shirkii Xasan Shiikh Ee Xamar?

    Baaq ku socda Kufsi wadareedka ka dhacay LC.

    Shirka Bangiyada iyo Maaliyada Puntland oo soo xirmay

    Trump oo ku doodaya Ruushka in lagu daro G-7

    Wararkii ugu danbeeyay dagaalka Iran iyo Israa’iil?

    Faallo:-Maxaa dhacaya hadii Maraykanku ku biiro dagaalka Iran?

    Update:-Dagaalka Iran iyo Israa’iil

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.